Waxaa jira rag habeenka aqalgalka aan naagahooda u tagi karin marka uu xageeda aado geedkiisa ayaa ka damaya taas waxaa loo aaneeyaa sixirka waxaa jira sixir galmo-qabad ah oo ragga ka dhigaya mid aan wax ka tari karin naagta ama geedka umaba kacayo, taas waxaa looga hortagi karaa inaad iska ilaaliso sixirka qaababka uu kugu soo gaari karo, runtii sixirka wuxuu kugu soo gaari karaa marka aad iska ilaalin weyso waxyaalahaaga sida dharkaaga dhididkaaga timahaaga waxaas oo dhan waxaa loo adeegsan karaa sixirka, laakin arrimahaas oo dhan waxaa ka muhimsan inaad ku dadaasho athkaarta iyo quraanka inaad mar walba isku xijaabto.

Naagaha bigrada ah sixirka muxuu ka qaadi karaa?

dumarka bigrada ah oo la soo aqalgaliyo waxaa laga yaabaa inuu sixir qabto iyaga oo noqonaya kuwa ninka aan u dhiibi karin galmada siiba habeenkaas waxaa qalbiga laga galiyaa cabsi daran waxayba ka baqaysaa ninkeeda waxay isku dhejinaysaa lugaheeda cabsi awgeed, gabdhaha qaarkooda way ooyaan aadna way  u qaylaiayaan iyagoo arintaas ka sheeganaya aya ordaan oo waxay leeyihiin ninkan maba rabo.

habkee loo daaweeyaa sixirka?

sixirka waxaa ugu fiican in lagu daaweeyo quraanka qofka la sixray in quraan badan la saaro ma aha in loo tago saaxir kale si uu sixirkaas uu sixir kale u adeegsado, dad baa waxay u tagayaa sixiroole kale markaas ayay ka dalbanayaan inuu sixi u sameeyo uu ku daaweynayo qofkan sixran, taas waa xaaran waa isla sixir wax ma dhaanto.