Cayilka wuxuu ka mid yahay waxyaalaha qofka qurxiya siiba markuusan ahayn mid xadkiisa ka baxay, qofka xayeesiga ah oo caataha siyaadada ah quruxdiisa aad bay isu baddalaysaa, wejigiisa wuu isku dunsan yahay daamahiisa waa lafo, marka sida aad quruxdaada u soo ceshan lahayn, waxaa lagaaga baahan yahay inaad cunto cuntada lagu naaxo, cuntada lagu buurto waa cuntada nafaqada leh marka aan kuu soo koobno waa bariiska hilibka ukunta caanaha kalluunka looska subagga qudaarka furuudka, marka aad cunto cuntooyin isku dheelli tiran jirkaaga waxaad ka dareemaysaa isabaddal weyn, hilib ayaa ku qabanaya, laakin waxaa kaloo muhim ah in uu sameeyo qofka raba inuu caiyilo waa inuu nastaa oo iska joojiyaa daalka badan, hurdada waa lagama maarmaan qofka doonaya inuu buurto, marka aad si fiican u nasato cuntada si fiican ayay kaaga deganaysaa, waxaa lagaa rabaa inaad marka loo baahan yahay alimiinto samaysid, sidoo kale ruuxa haddii uu kacsi badan yahay ma cayilo waxaa ka reebaya buurnaanta qooqa badan, kacsiga wuxuu xiraa abiteedka, qofka qooqan ma cuni karo cuntada mar kasta wuxuu dareemayaa dhereg, laakin marka uu guursado wuxuu dareemayaa gaajo siiba marka biyaha ka baxaan wuxuu raadinayaa wax uu cuno, naagaha waxaa la dhahaa ninkan oyagaa buuriyay cunto ku daldalay guurka waa lagu naaxaa, sirta ku jirta waxay tahay biyaha qofka dhibayay ayaa ka baxay ooliyada ayuu iska baddalay.

Inaad cayisho ma doonaysaa?

 

haddii dhab ay kaa tahay inaad buurato cuntada aan kuu soo sheegnay ku dadaal sidoo kale daawo lagu caiyo ayaa jirta, daawada lagu naaxo waa kaniini oo vitamiino laga sameeyay oo marka subax kasta xabbad ayaad qaadanaysaa waxaa laga helayaa farmashiyaha.