Xaaskaaga sideed uga ilaalin kartaa inay xumaan ku dhacdo?

Raga soomeeliyeed badankooda aad bay uga jaahilsan yihiin arrimaha dumarka waxaad arkaysaa ninka inuu naagta u soo guursanayo warshad inuu ka dhigto, warshad waxaa laga wadaa marka uu u baahdo inuu ilmo dhalo ayuu u galmoonayaa isagoon fiirinaynin raaxada ay iyada  u baahan tahay, naagta waxay u baahan tahay raaxo sida adigaba aad raaxada ugu  baahan tahay, xaaskaaga marka ay kuu sheegato kacsigeeda ma aha inay tahay naag xun oo aan xishoonaynin, taas ha u malaynin, xaaskaaga xalaal bay kuu tahay adigana xalaal baad u  tahay raaxada waa inaad wadaagtaan, marka dareen u yeelo xaaskaaga isla xaliya mushkilo kasta idin timaada, ma aha keliya inaad ka fikirto cuntadeeda dharkeeda caafimaadkeeda waxaa la rabaa sidaas oo kale inaad ka fikirto raaxada ay u baahan tahay xagga gogosha.

Maxaa keenaya gogoldhaafka?

Haddaba waxaad ogaataa dumarka inay ku kala duwan yihiin xagga dareenka kacsiga hablo waxaa la helaa u baahan galmada habeen kasta kuwaas ma aha in laga safro waayo kacsigooda ayaa aad u tan badan waxaa laga yaaabaa inay xumaato ku dhacdo, waxaa laga yaabaa iyadoo sharmuuto ahayn oo wanaagsan kacsi dartii inay u fakato, rag badan soomaaliyeed waxaad arkaysaa naagtiisa intuu ka dhaafo waxaa laga yaabaa sanad ama labo sano inuusan u imaanin markaas ayaad arkaysaa isagoo dhahaya naayaa maad ka xishootid inaad igula hadasho galmo maxaa kugu dhacay, waxaa kaloo dhici karta inuu raalli ku yahay nin qaraabo la aha inuu xaaskiisa u adeego oo meel kasta u raaco sow ma ogid naagaha marka ay ninka dhexgalaan inay isbaddalaan, naag ninkeeda ka maqan yahay u baratay galmada raaxada ay leedahay aad bay ugu sahlan tahay inay nin ku dhacdo, siiba marka ay tahay naag aad u qooq badan oo dareenkeeda daran yahay.

Haddii naagta ay ku dhacdo zino yaa sabab u ah?

Haddii ay xaaskaaga sino ku dhacdo marka hore iyada ayaa ka mas'uul ah waayo waxaa waajib ku ah inay iska ilaaliso xumaanta iyo macsida iyo dambiga, laakin adigana qayb baad ka qaadanaysaa maadaama aad ugu  kaalmaysay inay xumaantaan ku dhacdo, waayo xaqa ay kugu leedahay yaad ku tumatay, maadan eegin waxa ka imaan karo marka aad ka fogaatay, raga waxaa lagaga baahan yahay xaasaskooda inay ku dadaalaan dhinac walba, waayo labadiina wxaad isu tihiin labis.