Xaasidka waa qof neceb inuu qof nimco helo ama guulaysto, waxaa laga yaabaa ninka xaaska ah inuu saaxiibkaaga yahay oo aad ku kalsoon tahay laakin isma muujinayo, sidoo kale waxaa dhici karta inuu yahay nin qaraabadaada ah.

haddaba sideed ku ogaan kartaa qofka ku xasdaya? waxaa lagu ogaan karaa qofka ku xasdaya inuu had iyo goor ka shaqeeya wax dhib kuu keeni kara isagoo muujinaya wanaag ama jacayl, waxaad dareemaysaa markaad u laabato taariikhda noloshiisa inuu yahay qof dhibaatooyin badan kugu sameeyay laakin si aadan ku dareemi karin, inta badan dhibka marka uu kugu samaynayo wuxuu kuu muujinayaa walaaltinnimo wuxuu ka wataa midida hoose.

haddii aad fahanto xaasidkaaga waxaa lagaa rabaa inaad ka fogaato waayo wuxuu kuu soo jiidayaa dhib weyn oo aadan ka soo kasban karin.