Naagaha qaarkooda waxay jecel yihiin inay xukumaan ninka gabadhooda qaba, taas waxay keentaa inta badan in laysku dhaco dagaal meesha ka dhex dhaco, taas aad bay uga jirtaa bulshada dunida sdoo kale bulshadeena soomaaliyeed, gabadha marka la soo guursado guri ay yeelato hooyadeeda waxay isku dayaysaa gabadheeda inay maamusho hooyooyin waxaa jira caqli badan gabdhahooda aan guriga ka duminin, mar kasta waaniya oo ku dadaala inay gurigeeda ilaaliso ninkeeda daryeesho, sidoo kale waxaad arkaysaa hooyooyin aan ka nixin gabdhahooda oo had iyo jeer ku dadaala inay arrimaha guriga soo far gashtaan, oo weydiiya ninka waxa uu sameeyo waxa uu siyo habeenkii inuu soo daaho iyo in kale waxaad moodaa in iyada la qabo, taas waxay keeni kartaa inuu guriga burburo siiba haddii uu yahay ninka qof shakhsiyad leh, guryo badan ayaa sidaas ku burburay .

hooyada waxaa laga rabaa inay ku dadaasho ilaalinta guriga gabdheeda.

marka adiga waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso xaaskaaga hooyadeeda wixii wanaag aad kula dhaqanto.