Sidaad og tahay dadka way isku dhici karaan iyagoo is qaba oo hal meel ku wada nool, taas waa wax caadi ah, haddii ay dhacdo inaad isku dhacdaan adiga iyo xaaskaaga maxaad samayn kartaa si aad u dejiso?

runtii waxaa habboon inaad sugto wax yar ilaa xanaaqeeda qaboobo marka ay ka soo wareegato muddo gaaraysa shan saacadood ayaad si aayar ula hadlaysaa marka aad la hadlayso waxaad iska dhigaysaa inaad adiga qaldan tahay, hadalkaaga waxaad ku bilaabaysaa cudurdaar yar iyo erey macaan oo aad laadahay abaayo macaan aniga aad baan kuu jeclahay uma adkaysan karo xanaaqaaga,  kaddib waxaad galaysaa sida aad u xallin lahayd dhibaatada idin soo dhex gashay, waxaad isku daydaa inaadan waligaaga qof kale soo dhex galinin xaaskaaga iyo adiga waayo marka arintiina dad kale ay u gudubto sheekada way waynaanysaa, taas iska ilaali.