In laysfahmo waa waxa uu ku dhisan yahay guurka iyo raaxada uu leeyahay, haddii ninka iyo xaaskiisa ayna is fahmin lagama yaabo inay ku noolaadaan nolo raaxo leh, mar kasta noloshooda waxaa soo dhexgalaya shaki daran oo reebiya inay isku kalsoonaadaan.

haddaba sidee baa lagu heli karaa ninka iyo xaaskiisa inay si fiican isu fahmaan?

taas waxay ku imaan kartaa ninka inuu kalsooni siiyo xaaskiisa, iskuna dayo inuu ka dhigto saaxiib dhab ah, inuu u naxariisto sidoo kale inuu u muujiyo jacayl run ah, waa inuu ka fogaadaa waxa ayada dhibaya, sidoo kale marka uu la sheekaysanayo waa inuu weyddiiyaa waxa ay u baahan tahay ama waxa ay ka hesho, markaas waa inuu ku dadaalaa inuu u sameeyo waxa ay ka hesho, sidaas oo kale ayaa looga baahan yahay naagta ninkeeda inay kula dhaqanto, marka taas la helo waxaa soo degayso xasillooni iyo jacayl aan la soo koobi karin, raaxada guurkana waxay noqnaysaa mid labada qof ay ku qancaan.