Dalaaqa wuxuu ka mid yahay waxyaalaha shaydaanka aad ugu farxo, waxaa la sheegaa ibliis ciidankiisa wuxuu ugu jecel yahay midka qoys dhisan soo dumiyay, marka maxaa keeni kara dalaaqa.

marka hore waxaa habboon gabadha in lagu daro nin ay raalli ka tahay nin aysan rabin in lagu qasbo ma aha, aabbeyaasha badankooda intay soo gabtaan gabadhooda sida ariga oo kale ayay nin ku daraan iyadoo diidan arintaas, middaas waxay keenaysaa nacayb, waayo dadka guriga laga rabo inay ku wada noolaadaan waa labada is qaba ee  ma aha waalidiintooda, sidaa awgeed guri nacayb lagu dhisay dumintaan baa u dambeeya.

sidoo kale furiinka waxaa keena dabeecad xumida lamaaneyaasha midooda, ninka xanaaqa badan ama naagta canjeenjada ah isla markii way isku dhacaan oo waxaa ay la soo boodaan furriin, sidoo kale waxaa ka mid ah waxyaalaha dalaaqa keena labada qof inaysan isku tayo ahayn xagga gogosha ama raaxada sariirta, waayo naag waxaa jirta u baahan galmo badan oo ninkeeda ka soo bixi karin waajibkaas, sidaas oo kale nin waxaa jira aan galmada ka dhergin oo raba inuu dhowr jeer sameeyo oo xaaskiisana ay tayo u haynin, taasna waxay keentaa furiinka ama dalaaqa.

sidoo kale sababaha waxaa ka mid ah xagga dhaqaalaha ninka hadduu yahay nin aad bakhayl u ah oo xaaskiisa uuna siinaynin waxyaabaha ay u baahan tahay taasna way keentaa furiinka