Guurka toosan wuxuu ka bilaabanayaa doorashada lamaanaha, haddii aad u baahan tahay guri degan waxaa lagaa rabaa inaad u doorato lamaanahaaga sida la rabay oo habboon, lamaanaha waxa lagu doorto ugu muhimsan waa diinta iyo dabeecadda fiican, waligaaga iska ilaali qof xanaaq badan oo samir yar, haddii ninka uu yahay ama naagta qof caradiisa aan reebi karin, la noolaanshihiisa aad buu u adkaanaa, marka guri laysla tago waxaa xumaanaya wada noolaanshaha, waayo laba qof is qaba inta badan way isla joogaan, subaxdii marka la soo kaco qofka ugu horreeya aad la kulmaysid waa xaaska ama laamanaha, qofka aad inta badan aad la sheekaysanayid waa lamaanahaaga, marka waxaa habboon inaad si fiican ula dhaqanto oo aad fahanto wuxuu kaaga baahan yahay, waligaaga iska ilaali adiga iyo lamaanahaaga in dhexdiina dad kale ay soo galaan