Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Arabic Somali

SmartSection is developed by The SmartFactory (http://www.smartfactory.ca), a division of INBOX Solutions (http://inboxinternational.com)
Biyaha ninka iyo axkaamta la xiriirta
Biyaha ninka waxay ka soo wada baxaan jirka oo dhan marka ninka gaaro marxaladda biyabbaxa, biyaha

manida waxay ka koobanyihiin dhecaan iyo dhiig xambaarsan sifaad oo dhaxaleed, marka ay jirka ka soo
wada dhaqaaqaan waxay isugu soo uruurayaan dhabarka marka ay soo gaaraan xiniinyaha ayay cadnoqdaan, marka biyaha manida calaamado ayay leeyihiin oo lagu garto, calaamadaah waxay yihiin
1- si xoog inay u soo boodan siiba nimanka Alle siiyay awood galmadeed
2- waxay u soo uraan sida cajiinka oo kale waxaa laga yaabaa inuu ku saamoowo urkooda cuntada ninka
aadka u cuno
3- marka ay baxaan ninka aad buu u dareemaa raaxo xadka ka baxsan kaddib bahalkiisa wuu damayaa, way
dhici kartaa inuusan bahlkiisa damin laakin waa xaalad aan badnayn
4- midab cad ayay leeyihiin, way dhici kartaa inay midab kale yeeshaan sida xaakada oo kale
5- way adagyihiin sida mishaarida oo kale, dadka daciifka ah aad uma adka manidooda
marka sifooyinkan marka la arko waa biyaha aan wax jirro ku jirin oo ka yimaada qofka caafimaadkiisa

taamka ah,

marka biyaha maxaa lagu badin karaa
biyaha waxaa badiya kalluunka nooc walba ka mid ah gaar ahaan midka la dhaho salmon, iyo basasha iyo
ukunta sabiibka madooban iyo sanjabiilka cagaaran iyo aananaaska iyo malabka iyo mooska iyo looska iyo
caanaha geela
biya marka ay ka soo baxaan ninka waxaa ku waajibo qubays, ninka marka uu muddo galmo uusan
samaynin inta badan riyo ayuu ku biyabbaxaa, qofka marka uusan naag qabin waxaa fiican inuu iska
yareeyo cuntada si aysan ugu badanin biyaha maxaayeelay marka ay ku bataan biyaha jirka waxay keenaan fikir iyo mashquul maskaxeed ruuxa xitaa wax ma baran karo qalbigiisa marwalba wuxuu ku hayaa naag, hadduu arko gabar ma rabo inuu ka jeesto

biyaha xaaska wax ma u taraan

sida aan soo sheegnay biyaha waxay ka samaysan yihiin burutiin aad u sareeyo marka ninka marka uu u galmoonayo xaaskiisa oo uu ku shubayo biyaha naagta waxay ka qaadanaysaa burutiin oo ka difaacaya maqaarkeeda jirka inuu dhero, culimada qaarkooda way diideen inuu ninka bahalkiisa ka soo saaro xaaskiisa oo uu bannaanka ku daadiyo waxay dheheen waa inuu ka dalbo maxaayeelay marka hore raaxada ayuu ka gooynayaa midda labaadna jirkeeda ayaa u baahan, xitaa naagaha qaarkooda marka biya ninka lagu shubo ayay biyabbaxaan,
biyaha ninka ma nijaaso baa ?
mad'habka imaam Maalik iyo imaam mad'habka Imaam Shaafici iyo mad'habka imaam axmed iyo jumhuurta salafka waxay qabaan inay manidu daahir tahay laakin mad'habka Imaam abuu xaniifa wuxuu qabaa inay manidu nijaaso tahay, laakin daliilka daahirnimada ayaa xoog badan, laakin waxaa la isku waafaqsanyahay inaan la cuni karin maxaayeelay waa sida diifka oo kale lama ogola in la cuno sidaas waxaan u leeyahay maalmaahan ayaa su'aalahaas soo bateen biyaha ninka ma laqi karaa jawaabtu waxay tahay maya diinta islaamka waxay xarrimtay in la cuno wax kastoo khabiith ah taas macnaheeda ma aha in lagu xirayo khabiithka inuu nijaaso ahaado, kabiithka waxaa soo galayo wixii nijaaso ah iyo wixii dadka fadradooda saliim tahay ay u arkaan inuu qurun yahay sida diifka ama mataga iwm.
Raxaada guurka

Navigate through the articles
Previous article Ninka iyo xaaskiisa kala maqan ma u bannaantahay inay taleefanka ku raaxaystaan Ninka xaaskiisa naasaha maka nuugu karaa? Next article
 
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.

1+

Who's Online

29 user(s) are online (5 user(s) are browsing Collection)

Members: 0
Guests: 29

more...

Talo soo dir

Designed by Mumin Alim   |  Privacy Policy