Books for reading
https://secure.gravatar.com/avatar/db286b2d3a77d1b500a88f052eb55162?s=100&default=http%3A%2F%2Fwww.daruur.com%2Fcomponents%2Fcom_k2%2Fimages%2Fplaceholder%2Fuser.png

Mumin Alim

Website URL: http://www.daruur.com/
March 26, 2016
Published in Fiqa kalamudnaanta
Tagged under

Dhamaystirnaanta diinta Islaamka

Islaamku waa diin caalami ah oo nidaaminaya dadka oo dhan, ma suurtagalayso in dad gaar ah lagu soo koobo, caalaminimadan oo deeqaysa kooxaxa oo dhan si aan khilaafsanayn diinta ayaa waxay ka dhigtay xiriirka islaamka uu dadka la leeyahay labo mustawo:

 

Kan koowaad: inay rumeeyaan oo ay soo galaan, markaa waxay soo hoos galayaan ujeeddooyinka shaanta oo dhan.

 

Kan  labaad: waa inay tixgeliayaan oo ay ka iska daayaan si dadka uu u gaaro oo marka ay nabadgeliyaan muslimiinta, oo ay soo hoos galaan xadaaraddiisa ka muuqanaysa nidaamka nolosha oo wata ojeeddooyinkiisa diinta ka sokow.

 

    Halkan islaamka xadaaraddiisa wuxuu keenayaa dhulka iyadoo ah labo qaybood (waxyiga iyo jiritaanka) arrinkaas oo ka soo horjeeda in islaamka raacsan yahaydad kale, iyadoo ay u sii dheertahay in la burburyo sheegashada ay ku faafinayaan caalamka guud ahaan, ummadda islaamka dhexdeedana  gaar ahaan, annagu iskuma tuurno dadka kale dhabtooda asaas la'aan, markaa waxaannu seegaynaa jiritaankeena iyo xadaaraddeena, iyo dhammaan wixii na xoojinayo.

 

    Ku sii dar arrintaas kulliyaadkan shanta ah -sida ay u dejiyeen- diimaha oo dhan waa lagu sugay, waxaa laga wadaa waa la sugay asalka khalqiga laga soo bilaabo Nabi Aadan -nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- iyo hadalka Allaha -sarreeyay- u jeediyay  ilaa Nabi Maxamed -naxariis iyo babadgelyo korkiisa ha ahaatee- iyo hadalka Allaha               -sarreeyay- u jeediyay.

 

      Socdaalkan Alle wuxuu kula hadlay dadka  inay ilaaliyaan ujeeddooyinkan shanta ah.

 

    Annagu waannu isku waafaqsan nahay- muslimiin haddaannu nahay, waxaannu leenahay sharci gaar ah iyadoo diinta la socoto- ummadaha kalena afar waxyaabood oo ka mid ah ujeeddooyinkan ayaannu kala mid nahay, waxaannu kaga duwan nahay qadiyadda diinta, iyadoo sidaa ay tahay waxaannu ku adkaynaynaa inay diinta ilaaliyaan, waa inuu insaanka diin leeyahay oo uu rummaysan yahay inuu jiro manhaj oo dadka gaarsiiya ridaha Alle -cazza wa jalla-.

 

 Waxaa ka farcamaya mas'aladan oo inoo caddaanaya in islaamku yahay diin iyo dowlad,  taasoo waafaqsan macanaha gaarka aannu hoary u soo caddeynay, iyo inuu yahay dowlad, wuxuu ilaalinayaa ujeeddooyinka afarta ah ee soo horay.

 

    Iyadoo si gaar loo fiirinayo in diinta gadaalba ha martee habayntan dhexdeeda, maxaayeelay diinta ma jiri karto haddii naf iyo caqli jirin, laakin axkaamta diinta maqaasidda oo dhan ayay ku daboolmaysaa, taasoo ka dhigaysa inay wada socdaan, waxyiga ayaa ah kan xukuma oo habeeya jiritaanka, taasoo sugaysa waxa soo hoos galaya inuu islaamka ku dhaboobayo xadaarad iyo dowladnimaba, axkaamtiisa ayay u hogaansamayaan haba yayna qaadanin diintiisa.

 

  Habaynta kala mudnaanta iyo ka hormarinta masaalixda mafaasidda waxay ku waajibinaysaa ummadda inay ka tagto waxa yar oo ay eegto arrimaha waaweyn, iyo in laga shaqeeyo horumarka ummadda, iyo in laga soo leexdo arrimaha liita iyo luminta faradka iyo waajibaadka, waxaa laga wariyay Cabdullaahi bin Cumar -Alle raalli haka noqdee- in nin weyddiiyay isaga : qofka dilaya tixsi wuxuu yiri: dadka (reer Ciraaq waxay weyddiinayaan tixsi waxayna dileen wiilka gabadha Nabiga –naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-)[1], wuxuu weyddiiyay wax fudud wuxuu ku gaboodfalay wax weyn.

 

   In lagu dadaalo arrimaha waaweyn oo ummadda waqtigan la joogo ahamiyad u leh waa waajibka culimada ummadda iyo mufakiriintooda iyo madaxdooda, in lagu dadaalo cilmi baarista, horumarinta  waxbarashada  iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka,  iyo dibunoolaynta wadashaqaynta fiican xagga shaqada qaranka bulshada qaybaheeda kala duwan, waxay ka fiican yihiin in xaj lagu soo celceliyo iyo cimro ama masjid in lagu ag dhiso masjid kale agtiisa, sidoo kale in laysku kaashado mashaariicda samafalka ah iyo daaweynta dadka jirran iyo daryeelka agoonta waxay ka fiican yihiin maal badan in lagu bixiyo waxyaalo qiimo lahayn, hormarinta waxyaalaha  awlawiyaadka  iyo habayntooda iyo in laga fogaado waxyaalaha yaryar, waxay keenayaan inay ummadan horumar gaarto, markaas waxaa laga helayaa khayriyada oo Alle -cazza wa jalla- sugay :

 

{ كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ}  آل عمران 110

 

 waxaad tihiin ummadii ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo saaray”.

 



[1] - waxaa wariyay Bukhaari (3543)

 

March 26, 2016
Published in Fiqa kalamudnaanta
Tagged under

Xiriirka uu la leeyahay qofka dadka kale

Marka laga soo galo halkan oona la suuraysto xiriirka ka dhexeeya islaamka iyo shanta ujeeddooyin oo ay ka mid tahay diinta, waxaa agteena ka dhismaya

Arrimo la xiriira fiqiga fardiga iyo fiqig ummadda:

    Xiriirka aannu la leenahay dadka kale dhanka gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku dhisan yahay dhanka gudaha dhowrid dhanka dibaddana dacwada,  marka hadalkeena ku wajahan caalamka wuxuu noqonayaa  mid macquul ah, waayo waxaanu caddeynaynaa  dadka kale  in islaamku ka ballaaran inuu diin keliya yahay, ileen isagu waa hadalka Alle ku wajahan dadka , hadalka Alle ku wajahan dadka wuxuu wataa wixii uu insaanka xadaarad ku dhisan karo, iyo wixii ay ugu suurroobi karto inuu dhulka ku camiro, iyo sidoo kale wixii ay ugu suurroobi karto inuu Alle -subxaanahu wa taalaa-  ku caabudi karo oona aawaamirtiisana fulin karo si faahfaahsan, marka waxaa lagama maarmaan ah dadka ku jira gudaha inay hoos yimaadaan islaamka iyo xadaaraddiisa xataa haddii aysan soo gelin diinteena.

Waxaa halkan inooga caddaanaya in islaamkan uu yahay :

1-   Diin khuseaysa qofka islaamo oo rummeeyo ilaahay iyo rasuulkiisa.

2-   Dowlad  ilaalinaysa dadka, una ilaalinaysa ujeeddooyinka shanta ah oo ay diintu ka mid tahay oo Alle – subxaanau wa tacaalaa- banneeyay in dadku ku kala duwanaadaan, ama ay ku hoos noolaadaan, wuxuu u banneeyay ehlu kitaabka inay nala joogaan,  inay nala degaan hal dal, inaan ka cunno oo aan ka cabno oo aan ka guursano, inkastoo diinteena ay reebayso nimankooda inay naagaheena guursadaan,  iyo inkastoo uu naga reebayo raashiinkooda qaarkiisa, laakinse wa nala nool yihiin hal luqad baannu ku hadalnaa hal xadaarad baannu leenahay, rajadeenu iyo xanuunkeenu waa mid… sii waad, kan waa midka gudaha jooga.

Midka dibadda joogana xiriirka naga dhexeeya wuxuu ku dhisan yahay dacwada, nagama dhexeeyo xiriir dagaal ama xiriir nabadgelyo, dagaalka iyo nabadgalyadaba waxay ku xiran yihiin dacwada wixii la soo gudboonaado.

 Waxaa ka mid ah laamaha mas'ladan: fadilitaanka uu ka fadilay Ibnu taymiya muslinka aan caadilka ahayn gaalka caadilka ah xagga cammiridda dunida, waayo cadaaladdu waa tiirka mulkiga, Ibnu taymiya wuxuu rajaxayaa arrinkan, waayo gaalka caadilka ah –halkan- wuxuu waafaqay xadaaradda islaamka haba khilaafee diinta islaamka, waayo xadaaradda asaaskeeda waa cadaalo, tasoo ah tiirka nafta iyo caqliga iyo taranka iyo maalka,  arrinkaas waa midka adduunka uu ku taagan yahay, dulmigana wuu tagsiiyaa.

 

   Muslinka haddii diin uu haysto xataa -markuu dulmi uu samaynayo- wuxuu tagsiiyaa qiimaha ku salaysan ujeeddooyinka kale ee cibaadada iyo camiraadda dunida ay ku taagan yihiin, arrinkanna natiijo ma keeni karo waaqacan aan ku nool nahay.

   Hadalka Ibnu taymiya habkan ayuu u soconayaa, ku sii dar hadalkiisa in ay suurtagal tahay in laga wado ka hormarinta maslaxadda guud maslaxadda gaar,  taasna waxaa caddeynaya wixii aan ku soo sugnay habaynta kulliyaadka iyo fiqiga kala mudnaanta.

March 26, 2016
Published in Fiqa kalamudnaanta
Tagged under

U Habaynta Arrimaha siday u kala horreeyaan

Qadiyadda habaynta kala mudnaanta ka dhexeysa arrimahan shanta ah looguma heshiinin si gaar ah, waayo habeynta dhanka laga eego ayaa kala duwan, ama waxaa kala duwan waxa laga fahmayo ereyga diinta  ma waxaa loola jeedaa islaamka oo dhan? Ama cibaadaadka diiniga baraxtiran?   qofka u arkay in ereyga diinta loola jeedo islaamka diinta ayuu ka hormariyay kulliyaadka kale oo dhan, qofka u arkay in loola jeedo cibaadaadka baraxtiran wuxuu hormariyay nafta tusaale ahaan.

Zarkashi ayaa qaatay habeyn aan diin lagu bilaabin wuxuu yiri : ( meesha labaad [qaybaha munaasibka xagga dhabta iyo qancinta] wuxuu u qaybsamayaa mid dhab ah iyo mid qancis ah,  kan dhabta ah wuxuu u qaybsamayaa wax istaagi kara booska daruurada iyo booska baahida fudud iyo dheeraadka, kan koowaad waa daruuriga,  wuxuu wataa ilaalinta ujeeddo ujeeddooyinka shanta ka mid ah oo sharciyada aysan isku khilaafin, balse way isku waafaqsan yihiin, iyaguna waa shan:

Midda koowaad: ilaalinta nafta: waxaa lagu ilaaliyay jideynta qisaaska haddii arrintaas jiri lahayn dadka ayaa qasmi lahaa nidaamkana wuxuu hallaabi lahaa.

Midda labaad: ilaalinta: maalka waxaa lagu ilaaliyay labo arrimood: midda koowaad : waxaa la waajibiyay damaanka wixii lagu xadgudbo, waayo maalka waa noloshu waxa ayku istaagi lahayd, midda labaad : waa in gacanta laga gooyo qofkii wax xado.

Midda seddexaad: ilaalinta taranka: waxaa la xarrimay sinada cuquubo ayaa la saaray, waayo sababaha waxay keenayaan in la isu hiiliyo oo la iskaashado, waayo nolosha ma suurroobayso in taa la helo mooyee caadi ahaan.

Midda afaraad: ilaalinta diinta: waxaa la jideeyay dil iyo dagaal, riddada darteeda iwm in wax loo dilo iyo in lala dagaallamo gaalada.

Midda shanaad: ilaalinta caqliga : waxaa la jideeyay xad in lagu oogu qofkii cabbo khamri, waayo caqliga waa tiirka fal kasta maslaxad la xiriirto, halaaabiddiisa waxay keenaysaa fasaad weyn, kan waa wixii ay ku heshiiyeen culimada usuulka[1]

Aniga waxaan arkayaa habeyn kale oo mandiqi ah taasoo ah:

 “ ilaalinta nafta  iyo caqliga iyo diinta iyo sharafta insaanka- sida hadda lagu magacaabo mar hore waxaa la dhihi jiray cirdi ama taran- -lahaansho- waa magac casri ah magacii hore wuxuu ahaa maal.

  Habayntan waa marka loo eego inaan ula jeedno diinta halkan : shacaacirta oo u baahan niyad ama cibaado baraxtiran, ama cibaadaysi  baraxtiran, xitaa haku sugnaadee mucaamaladaha, waxa aan ula jeedno diinta halkan islaamka ma aha, balse islaamka waa ka ballaaran yahay halkan diinta marka mafhuumkan la eego, wuxuu soo kulansanayaa ujeeddooyinkan shanta ah, markaas waxaa la xallinayaa mushkilooyin badan.

  Islaamka wuxuu cibaaro ka yahay: hadalka Alle -subaaxanu wataacaalaa- ee ku wajahan dadka sidii loo qeexay : (waa wax Alle u soo dejiyay dadka caqliga saliimka oo u kexaynaya   wixii waxtarka diintooda iyo adduuyadooda ku jiro).

   Waxaan sidaan ugu habeeyay, maxaayeelay layskuma raacin in hab gaar ah loo habeeyo, habayntan waxaan u arkayaa inay munaasib ku tahay fikirka iyo casriga, sidaas oo kale inasaanka wuxuu ilaalinayaa naftiisa, kaddib caqligiisa kaddib xil baa la dul saarayaa kaddib diintiisa ayuu ilaalinayaa, kaddib sharaftiisa iyo hantidiisa.

    Habyntaan markaan ku socono waxaannu ka dhignay nidaam u suubada sidoo kale dadka aan islaamka ahayn, waayo dadka dhan ayaa isku waafaqsan,  ma jiro qaanuun bannaynaya dil gardarro ah ama xatooyo ilaa maantadan aannu joogno meel kasta adduunka laga joogo, taas waxay ka dhigaysaa nidaamkan guudka ah inuu deeqayo xadaarooyinka kala duwan oo ay muslimiinta sameeyeen marka ay u daayeen gaallada arrinkooda  iyo kooxo  kala duwan ah.

Habeynta kulliyaadka shanta ah sida aan soo suganay [nafta, caqliga, diinta, taranka, maalka] waa habayn mandiqi ah, waxay leedahay tixgelin, marka waxaa waajib ah in la ilaaliyo nafta taasoo falalka samaysa,  kaddib caqliga oo sabab u ah xilka, kaddib diinta oo cibaadada ay ku sugan tahay oo tiirka caalamka ah.

    Kaddib waxaan ilaalinaynaa wixii ka dhalanaya ilaalinta nafta iyo caqliga iyo diinta:  taasoo ah in la ilaaliyo taranka insaanka iyo wixii la xiriira ama soo hoos galaya oo ah ilaalinta cirdiga iyo xuquuqda insaanka iyo sharaftiisa.

    Kaddib waxaan ilaalinaynaa qadiyadda lahaanshaha taasoo camiridda adduunka ku dhisan tahay marka la isu dhiidhiibayo, maalkaas waa midka marka la wareejiyo matalaya muhimmad weyn oo ka mid ah lafdhabarka nolosha.



[1] - Al-baxr al-muxiid . Zarkashi 7/265-266

Ujeeddooyinka dadka la kallifay marka la dabagalay waa shan lilaalinta, lilaalinta  nafta, lilaalinta caqliga lilaalinta diinta, lilaalinta cirdiga , -qaar waxay ku tilmaamaan taranka qaarna waxay ku tilmaamaan sharafta insaanka  -iyo ilaalinta maalka - qaar waxay ku tilmaamaan lahaanshaha- shantan ayaa ah ujeeddooyinka dadka la kallifay xagga shakhsiyaasha iyo ummaddaba.

ilaalinta Nafta

ilaalinta nafta fiqiga shakhsiga waxay munaasib u tahay in la xarrimo nafta aadanaha in la gooyo si xaq la'aan ah Alle wuxuu yiri:

{مَن قَتَلَ نَفسًا بِغَيرِ نَفسٍ أو فَسادٍ فِي الأَرضِ فكَأَنَّما قَتَلَ النّاسَ جَمِيعًا ومَن أَحياها فكَأَنَّما أَحيا النّاسَ جَمِيعًا} [المائدة:32].

{ qofka xaqdaro ku dila naf ama dhulka fasaadiya waxa uu ka dhigan yahay qof dadka oo dhan dilay, qofka bad-baadiya naf waxa uu ka dhigan yahay qof dadka oo dhan nooleeyay}.

   Laakin ilaalinta nafta marka ummadda loo eego waxay ka shaqeynaysaa  midnimadeeda iyo awooddeeda iyo kobcitaankeeda,  arrinkan wuxuu u baahan yahay fahan kale oo aan arkayno isagoo agagaarkeena lagu qorayo isagoo ka soo fulaya tusaalooyin aqooneed kala duwan muhimna aan sii ahayn inay tusaalaha islaamka wataan, waa arrinka lagaga hormariyo maslaxadaha shakhsiga masalaxadda ummadda, waxaa u soo galaya fuleynimo iyo tabardarro, waxaannu arkaynaa xaaladda markii wax yar ka soo wareegsado annagoo nafteena ka gaabinay iyo xuquuqdeena,  oo kordhisanay kalatag iyo tabardarro, haddii ay maslaxadda ummadda arrinteena ugu muhimsanaan lahayd xaalka wuu isbaddali lahaa,  mustqbalkana wuxuu fiicnaan lahaa.

 

ilaalinta Caqliga

   Ilaalinta  caqliga waa xaq gaaraya xeerka waajibka, waa xaaraan caqliga in la tegsiiyo xagga fardiga in lagu tagsiiyo khamri ama maandooriye, laakin sidoo kale waajib waxaa ku ah ummadda waxbarsho iyo waxbarid baxsi cilmi ku dhisan, haddii laga gaabiyo arrinkaas waxaa laga soo qaadayaan ka gaabinta ujeeddooyinka dadka takliifka saaran, arrinkan wuxuu na geynayaa barta muhimadda shaqada, waxaan la oggolaanayn ummadda iqra inay kasi weydo wax akhris, ummado kale waxay awoodeen inay ka takhalusaan umminimada higaada,  umminimada higaada inkastoo ay tahay waxayaalaha ugu fudud haddana ummadda waxaa laga rabaa inay iska suuliso qaababka kale ee umminimada, sida umminimada siyaasadeed, xadiiska rasuulka waxaa ku soo arooray :

«مَنْ لَمْ يَهتَمَّ بِأَمْرِ المُسْلِمِينَ فَلَيْسَ مِنْهُمْ»

(qofkaan ka fikirn arrinka muslimiinta ka mid am aha)[1]. Tan waa marka lagu daro umminimada figriga iyo tignoloojiyada ilaa meelaha figriga iyo horumarka iyo sarreynta.

 

ilaalinta Sharafta

Waxay ku tilmaamaan fuqahada ujeeddo kale kulli ah oo ka mid ah ujeeddooyinka shareecada sare ilaalinta cirdiga, qaarna waxay ku sheegaan ilaalinta taranka, qofka hadalkooda si fiican u eega wuxuu garanayaa inay ula jeedaan xaalad ama hadaf oo aan ku tilmaanno aqoonteena hadda jirta marka loo eego karaamada insaanka , waxaa laga soo qaaday Alle oraahdiisa:

{وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ}[الإسراء:70]

“ xaqiiqo ahaan waannu sharafnay banii aadanka”

aayaddu waxay tilmaamtay dadka oo dhan in la sharfay, rag iyo dumarba, yar iyo waynba, cadaan iyo madawba, muslim iyo gaalba si kalasooc la'aan.

    Fuqahada markay ka hadleen xuquuqda qofka waxay  ka dhigeen qayb ka mid ah ilaalinta sharaftiisa, arrimaha doorashada degaanka iyo guuridda iyo shaqada iyo hadalka iyo caqiidada iyo siyaasadda iyo arrimo kaleba, waxay ka mid yihiin ilaalinta karaamada insaanka,  xuquuqda xagga mufakiriinta islaamka waxay gaaraysaa heerka waajibka, waa waxa uu kaga soocan yahay fikirka islaamiga waxyaalaha kale, sidaa awgeed xaqqa noolaanshaha wuxuu noqday waajib, waxaa xaaran ah in dil la isugu xadgudbo iyo sidoo kale isdilka.

 


[1] - waxa soo saaray dabaraani,  kitaabka (Al mucjim al awsad 7473)

March 26, 2016
Published in Fiqa kalamudnaanta
Tagged under

Habaynta Ujeeddooyinka shareecada

Ogaanshahaujeeddooyinka shareecada ee waaweyn iyo fiqiga kala mudnaantooda waxay ka mid yihiin waxayaalaha ugu muhimsan oo casrigan aannu noolnahay uu rabo.

Ujeeddooyinka shereecada waxay u qaybsamaan xagga muhimnimadooda seddex qaybood oo asaasi ah.

1-   Daruuriyaadka

2-   Baahiyo fudud

3-   Dheeraadyo

    Seddexdaas qaybood ee ujeeddooyinka nidaamintooda waxay ugu heshiiyeen dadka sida la soo dhaafay, waayo nidaamintan xagga kala mudnaanta waxay raacdaa baahida daran loo qabo qayb walba kuwaas ka mid ah, waa waxa uu ku sheegay Imaam Al-ghazaali :

Awoodda ku sugan maslaxadda lafteeda wuxuu yiri: maslaxadda marka loo eego awooddeeda ayada lafteeda ku sugan waxay u qaybsantaa wax booska daruuriyaadka taagan iyo wax booska baahiyada fudud taagan iyo wax la xiriira dheeraadyada iyo quruxda, waxay ka haraysaa sidaas oo kale booska baahiyada fudud, qayb kastana waxaa ku xiran wixii u noqon lahaa dhammaystir[1].

 Waxaa ugu muhimsan darajadahan daruuriyaadka, maxaayeelay way kooban tahay waa asalka ujeeddooyinka, waxay ka mid tahay darajooyinka maqaasidda ugu muhimsan oo la xiriira fiqiga fardiga iyo fiqiga ummadda

    Daruuro luqad ahaan waxay ka timid baahi daran taasina ah in loo baahdo wax, waxaad leedahay daruuro ayaa igu xambaartay  hebel daruuro ayaa u geeysay sidan iyo sidan,  Alle –cazza wa jalla- oraahdiisa :

{فمن اضطُرّ غيرَ باغٍ ولا عادٍ} ]البقرة: 173 [

“Ruuxiise dhibaatooda (baahan) oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi ma saarna (inuu) wax ka cuno”

 Qofka loo dhibaato geliyo inuu bakhti cuno iyo wixii laga xarrimay oo dhib galay,  qadar uu ku noolaan karo ha ka cuno, asalka daruurada  waa dhibaato iyo ciriiri.

    Qeexidda daruurooyinka waxa u degsan culimada usuulka wuxuu ku qeexay Al-ghazaali  iyo Al-raazi iyo Al-isnawi iyo Al-subki inay tahay: (masaalixda xafidaysa ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka shanta ah, taasoo ah  ilaalinta diinta iyo nafta iyo caqliga iyo hantida iyo nasabka).

   Kulliyaadkan shanta ah waxay lagama maarmaan u tahay inuu nidaamka caalamka sii jiro iyo ilaalintiisa, sidaa awgeed Zarkashi iyo shaadibi waxay sheegeen in shareecadaha kala duwan aysan isku khilaafin kulliyaadkan wuxuu yiri Zarkashi : (midka koowaad waa daruuriga waa midka keenaya ilaalinta ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka shanta ah oo aysan isku khilaafin shareecadaha, balse waxay isku waafaqsan yihiin in la ilaaliyo)[2].

   Waxaa nagu waajib ah inaaannu caddeyno waxa Alle uu ka rabo addoomihiisa inay yihiin cabaadadiisa iyo koonka in la cammiro iyo nafta insaanka oo la kallifay in la dahiriyo, seddexdaan waa waxa ay culimadu ka ogaadeen fiirfiirinta nusuusta, waxay u cuskanayaan arrintaas oraahda Alle:

{وما خَلَقتُ الجِنَّ والإِنسَ إِلَّا لِيَعبُدُونِ} [الذاريات:56]

“jinka iyo insiga uma abuurin inay aniga i caabudaan mooyee“

Iyo oraahda Alle :

{هو أَنشَأَكم مِنَ الأَرضِ واستَعمَرَكم فِيها} [هود:61]

“Ilaahay waa midka dhulka idinka abuuray ee idinku camiray dhexdiisa”

   Waxaa laga wadaa wuxuu idinka dalbay camiridda dhulka , waayo alifka iyo siinka iyo ta'da ku jira ereyga "استَعمَرَكم"waxay tilmaamayaan dalab.

Iyo oraahda Alle:

 (قَدْ أَفْلَحَ مَنْ زَكَّاهَا) [الشمس:9]

 (Waxaa liibaanay qofka naftiisa dahiriya).



[1] - Al-mustasfa – Al-ghazaali, bogga   174

[2] - Al-baxr al-muxiid ee uu leeyahay Zarkashi 7/265

March 26, 2016
Published in Fiqa kalamudnaanta
Tagged under

Ku mashquulka Faraca Asalaka ka sokow

Sida badan waxaannu arkaynaa in badan ka mid ha muslimiinta waxay qaadanayaan mas'lado farci ah oo aan wax tarin, waxay ku mashquuleen inay ka sheekeeyaan waxyaabaha  karaahiyada ah iyo waxyaabaha sunnada ah, iyo arrimo ay fuqahada in badan isku khilaafeen, iyagoo waxba ka ogayn faafidda waxayaalaha xaaraanta ah iyo dacynaanta faradka iyo waajibaadka.

   Khilaafaadkan ku sugan sunnooyinka iyo nawaafisha iyo in lagu xeeldheeraado oo lagu xadgudbo waxyaalaha shakliga ah ee nolol maalmeedka waxay keenayaan inay dayacmaan ujeeddoonyinka iyo macaanida, iyo juhdiga iyo waqtiga iyo in la sii ballaariyo khilaafka muslimiinta, taasna waa arrin khilaafsan farriimaha shareecada, Alle wuxuu yiri:

{وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ} [الأنفال:46].

Ilaahay iyo rasuulkiisa adeeca oo ha is khilaafina, waayo waad fashilmaysaan awooddiinuna way tagaysaa ”

March 26, 2016
Published in Fiqa kalamudnaanta
Tagged under

Islaamku waa diinta nidaamka

Islaamku waa diinta nidaamka iyo xeeldheeraanta iyo habaynta masaalixda iyo horreysiinteeda,  laakinse xaalka muslimiinta wuxuu cagsi ku yahay wixii shareecdu musaamaxada badan ay sugtay, mawaasiinta ayaa hallaawday, dad ayaa soo baxay oo ka hormariya waxa raajaxa ah wixii laga raajaxsan yahay, waxay ka faddilayaan sunnnada wixii faradka ah, isburin yaab leh ku ah wixii ay awaamirta islaamka iyo mabaadi'diisa ugu yeereen, qaarkooda waxay qaateen xagga camalka manhaj oo naftooda ku dhibaan arrimo aan faa'ido lahayn, faa'ido rasmi ah aan bulshada ka helaynin daraasayntooda iyo juhdi in lagu bixiyo, iyo in la daraaseeyo waxa aan jirin daraaseyntiisa oo aan dan laga lahayn, Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- waxaa la weyddiiyay : saacddu waa goorma? Wuxuu u jawaabay : Maxaad u diyaarsatay? Sidaas oo kale Alle –cazza wajalla- ayaa ku yiri kitaabka uu soo dejiyay :  

{ يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْأَهِلَّةِ قُلْ هِيَ مَوَاقِيتُ لِلنَّاسِ وَالْحَجِّ [البقرة: 189]؛

“waxay ku weyddiinayaan bilaha, ku dheh: waxay waqtiyo u yihiin dadka iyo  xajka”.

Sharcidejiyaha sharafta badan wuxuu ku dadaalay camalka hadalka ka sokow,  su'aalaha waxay ku saabsanaayeen waqtiga qiyaamaha iyo qaabka bilaha laakin jawaabtu waxay ahayd xagga camalka.

March 26, 2016
Published in Fiqa kalamudnaanta
Tagged under

Hordhaca fiqi awlawiyaad

Magaca Alle ayaan ku bilaabayaa nabadgelyo iyo naxariis rasuulkii Alle korkiisa ha ahaatee iyo ehelkiisa iyo asxaabtiiisa iyo dadka raacay, intaa kaddib; islaamku wuxuu siiyay nadaaminta nolosha  insaanka ahamiyad aad u weyn, waayo nidaamintan waxay ku leedahay saamayn weyn xasilloonida dadka iyo camiridda dhulka iyo cibaadada alle –sarreeyay- taasoo ah sababka ugu horreeya jiritaanka insaanka ee adduunkan, sidaa awgeed waxay ka horreysiisay shareecada insaanka dhismaha, waxay u qaybisay ujeeddoonyinkeeda iyo darajadooda sida ay u kala horreeyaan, waxay ugu yeertay insaanka inuu habeeyo kala mudnaanta arrimihiisa noloshan.

March 25, 2016
Published in Muslin ayaan ahay
Tagged under

Rumaynta qadaha iyo qadarka

* Waa inaan rumaynaa in Alle og yahay wax kasta koonka dhex yaalla, iyo wax kasta jira iyo wixii jiri doona ilaa maalinta qiyaame, wax yar kama fakanin ogaanshihiisa.

* Wuxuu ogaaday falalka addoomaha iyo arsaaqtooda iyo waqtiyadooda, iyo kuwooda naarta galaya iyo kuwooda jannada galaya abuuristooda ka hor.

* Alle ayaa ku qoray maqaadiirtan "looxa maxfuudka" abuurista samadaha iyo dhulka  konton kun sano  ka hor, "looxa maxfuudkan" qof arki karo ma jiro, xataa malag la soo dhoweeyay ama nabi la soo diray.

* Xataa uurjiifka marka uu caloosha hooyadiisa ku jiro Alle ayaa amraya malaa'igta inay qorto lab hadduu yahay ama dheddig, waxay qorayaan arsaaqdiisa iyo waqtigiisa, iyo meesha uu ku dhamaanayo -jannada ama naarta-, waxaa kaloo ay qorayaan waxa uu la kulmayo wanaag iyo xumaanba.

* Ka dib marka laylatulqadarka la gaaro, wixii la qadaray sanadka ayaa laga soo dejinayaa "looxa maxfuudka" dadka waqtiyadooda iyo arsaaqdooda, qofkii xajka aadaya sanadka iwm., arrinta sanadka oo dhan ayaa la qadaraa.

* Ka dib maqaadiirta maalin kasta ayay waqtigeeda ku imaanaysaa iyo dadka loogu talaggalay, Alle  dad ayuu kor u qaadaa dadna hoos ayuu u dhigaa.

* Waxaan rumaynaynaa doonista Alle inay fulayso, wixii uu doono waa ahaanayaa wixii uuna doonin ma ahaanayo, ma jiro qof Alle ka adkaan karo, isaga ayaana quluubta gedgeddiya, wuxuu ku hanuuninayaa qofka uu rabo fadlagiisa iyo naxariistiisa, wuxuu ku lumiyaa qofka uu rabo cadligiisa iyo xigmadiisa, waa midka og kan mutaysanaya hanuunka iyo kan mutaysanaya baadinimada.

* Alle lama weyddiiyo waxa uu sameeyo, laakin dadka waa la weyddiiyaa.

* Inaan rumayno Alle inuu wax kasta abuuray, wax yar koonka ma dhex joogo oo aan Alle abuurin, wuxuuna abuuray dhaqdhaqaaqiisa iyo xasilloonidiisa.

* Wuxuu abuuray addoomaha iyo falalkooda, wuxuuna ku abuuray addoomaha awood iyo rabitaan si ay u doortaan falalkooda.

* In Alle -subxaanahu wa tacaalaa-  amray khalqigiisa dhaacadiisa, wuxuuna ugu yaboohay jannadiisa, wuxuuna ka reebay macsiyadiisa wuxuuna ugu gooddiyay naartiisa, kumana kallifin wixii ay awoodaan mooyee, waxay u qaybsameen labo qolo: mu'miniin iyo gaalo taasna waa doorashadooda iyo rabitaankooda iyo awooddooda, waxaas oo dhanna Ilaahay baa ku abuuray iyaga.

* Abaalgudka iyo ciqaabta waxay ku salaysan yihiin raacidda sharciga, ee kuma salaysna ogaalka Alle oo  hore iyaga ku fulay,  qofkii wax yar shar ah sameeyo waa lagu ciqaabayaa.

* Waxa la fiirinayo waa khaatimada camalka, addoon kastana waxaa loo fududeeyay wixii loo abuuray oo ah liibaanka jannada ama dhibka naarta.

* Sidaa daraadeed waxaa laga rabaa addoonka inuu ka cabsado khaatimada xun, inuu daa'imo weyddiisashada Alle iyo baahida uu u qabo Alle inuu ku hanuuniyo waddada toosan, sidoo kale inuu daa'imo inuu kaalmo u weyddiisto dhaacadiisa, inuu ka magangalo macsiyadiisa, maxaayeelay xeelad iyo awood addoonka arrintaas uma laha Ilaahay awooddiisa mooyee.

* Mu'miniinta way oggol yihiin qadaha Alle iyo qadarkiisa, kahyrkiisa iyo shartiisa, waqtiga rafaadka iyo barwaaqada, waxay yaqiinsan yihiin inuu qof iyaga wax u tari karin haddii Alle u qadaro mooyee, inuu qofna iyaga dhibi karin haddii Alle u qoro mooyee.

* Addoonka ma helayo macaanka iimaanka ilaa uu ka ogaado inuu yahay waxa isaga ku dhacay mid aan gafi lahayn, wixii gafayna inuusan soo gaari lahayn.

* Khaatimada: waxaan ku mahdinayaa Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu jannada i galiyo aniga iyo muslimiinta oo dhan, iyo inuu naarta iga magangaliyo aniga iyo muslimiinta oo dhan.

 

Ilaahay naxariis iyo nabadgelyo ha yeelo nabi Muxamed korkiisa iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa,

Baryadeenana waxaa ugu dambayn mahad Ilaah baa leh Eebaha caalamka ah

March 25, 2016
Published in Muslin ayaan ahay
Tagged under

Rumaynta maalinta aakhiro

* Waxaan rumaynayaa maalinta aakhiro, waa maalinta ay adduunyadu dhamaanayso (daarta shaqada) oo aakhiro ay soo galayso (daarta abaalka) dadka baarriga ah janno ayaa loogu abaalgudayaa, dadka faajiriinta ahna naar ayaa lagu abaalmarinayaa.

* Maalinta qiyaame miisaanka ayaa la soo dhigayaa, addoon kastana kitaabkiisa ayaa la siinayaa, qofka kitaabkiisa midigta laga siiyo nabiga -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- ayuu jannada la galayaa, qofkii kitaabkiisa bidixda laga siiyana Fircoon -lacnad haku dhacdee- ayuu naarta la galayaa.

* Waxaa la taagayaa siraadka, qofkii ka gudbo jannada ayuu aadayaa, qofkii biraha qaroofan ay dafaanna camalkiisa hallaysan dartii naarta ayuu ku dhacayaa.

* Maalinta qiyaame waxay leedahay astaamo iyo calaamooyin yaryar iyo kuwo waaweyn.

* Calaamadaha yaryar waxaa ka mid ah: amaanada oo lunta, dilka oo bata, inay xukunka xoog ku qabsadaan dadka faasiqiinta ah, inay ka hadlaan dadka liita arrimaha muhimka ah.

* Calaamadaha waaweyn waxaa ka mid ah: mahdi inuu soo baxo, inay istaagto khilaafada toosan oo ku taagan waddada nabinimada saacadda qiyaame ka hor, iyo soo bixidda Masiix Dajaal.

* Soo degidda  nabi Ciise -nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-  si uu u hoggaamiyo muslimiinta gaaladana ula dagaallamo, wuxuuna jabinayaa saliibka wuxuuna dilayaa doofaarka, mana ogolaanayo waxaan islaamka ahayn.

* Ma harayo guri dhoobo ama dhogor ka samaysan oo diintan Alle uuna ku gelin doonin cisada midka cisada leh ama dulliga kan dullaysan.

* Soo bixidda Yaajuuj iyo Maajuuj, sidoo kale soo bixidda daabadda dadka la hadlayso, iyo ka soo bixidda qorraxda meesha ay u dhecayso, iyo qaadidda Quraanka iwm.

* Qofka sameeya wax yar oo khayr ah ama shar ah wuxuu ku arkayaa maalinta Qiyaame  kitaabkiisa.

* U degdega dhaacooyinka qoriddooda intayna ku dhamaanin waqtiga dhimashada addoonka xilli Ilaahay mooyee qof kale ogayn.

* Ehelkiisa ayaa qofka dhaqaya way kafanayaan wayna ku tukanayaan wayna aasayaan, waxaa u imaanaya labo malag Munkar iyo Nakiir, way soo fariisinayaan waxay weyddiinayaan: waa kuma rabiigaaga? waa maxay diintaada? waa kuma nabigaaga?.

* Haddii uu uga jawaabo Alle waa rabbigayga, islaamkana waa diintayda, Muxamedna -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- waa nabigayga iyo rasuulkayga -oo Alle sidaas waafajiyo- qabrigiisa waxaa looga furayaa dariishad jannada meesha uu ka degi lahaa uu kaga arkayo, iyo guryihiisa iyo mulkigiisa, wuu farxayaa qabrigiisana waxaa loo waasiciyaa inta uu araggiisa gaarayo.

* Haddii uu ka mid yahay gaalada waxba kama jawaabi karo, jawaabta waqtigaas kuma xirna caqli iyo maskax.

* Laakin Alle wuxuu sugayaa waqtigaas dadka iimaanka leh wixii ay hormarsadeen dartii oo wanaag ah sida tawxiidka, gudashada waajibaadka, jihaadka, samafalka, faridda wanaagga reebidda xumaanta, sadaqada, akhriska Quraanka, soonka waqtiyada kulul,  oogidda saaladaha habeenaha dhaadheer ee qabowga ban.

* Haddii gaalada uu ka mid yahay qabrigiisa ciriiri ayuu ku noqonayaa ilaa ay feerahiisa is dhex galaan, qabrigiisana uu noqdo god godadka naarta ka mid ah camalkiisa xun datrii.

* Walaalkayga muslinka ahow dadaal, maanta waa shaqo xisaab ma jirto, berrina waa xisaab shaqo ma jirto.

* Maalintaas muslimiinta dhaacada la yimid keliya ayaa jannada galaya, maxaayeelay Alle maalinta qiyaame ma aqbalo islaamka waxan ahayn.

* Jannada waxaa yaalla raaxo dheg ayna maqlin, ilna ayna arkin, qofna qalbigiisa ku soo dhicin, raaxadeeda waa jiri doontaa mana go'ayso,  dadkeedana ma dhintaan, naciimka jannada waxaa ugu weyn aragtida wejiga rabbiga koonka.

* Dadka caasiyaasha iyo faajiriinta iyo gaalada naarta  ayay galayaan, naarta waxaa ka jira cadaab aan loo adkaysan karin oo Alle gaalada u diyaariyay, buuro sugan uma adkaysan karaan cadaabkaas, gaalada meesha ayaa lagu cadaabayaa si joogsi lahayn.

* Dadka raacay madaxda waxay dalbanayaan in loo laablaabo cadaabka kuwa madaxda ahaa oo iyaga lumiyay, Alle wuxuu amrayaa in dhamaan loo laablaabo cadaabka.

* Xaqqan ku sugnow -walaalkayga muslinka ahow- yayna ku sirin dadka ka soo horjeeda badnaantooda, haddii aad warkooda yeesho dadka dhulka jooga badankooda waddada Alle ayay kaa luminayaan, raac dadka Alle waddadiisa qaadaya.

* Kama suulayso koox ummadda nabi Muxamed ka mid ah inay xaqqa ku sugnaadaan iyaga oo muuqda, mana dhibayo qofka iyaga khilaafo ama hoojiyo ilaa saacadda qiyaame.

* Maxay tahay xeeladda lagu gaari karo darajooyinkaas loogana badbaadi karo   hoosudhacyadaas, maxay tahay xeeladda lagu haleeli karo dadka hormay oo Alle u dhow, iyo sida looga fogaado kuwa jeedsaday oo halaagsamay, waa towbad saafi ah, hagaajisa wixii tagay, iyo camal wanaagsan hagaajiya wixii ka haray cimriga, go'aan adag inaad ku qaadato inaad toosayso oo aadan leexanaynin.

* Dadka bidhaantaada kula joog, wax iibi waxna iibso, guurso, dhulkana ku camir wixii Alle kuu xalaaleeyay.

* Yuuna ku mashquulin qalbigaaga adduuyo, qalbigaaga la tag meesha ay habboon tahay inaad joogto, halkaas waa Allaha raxmaanka carshigiisa hoostiisa, ku sujuud qalbigaaga sujuud aadan ka soo istaagaynin ilaa maalinta Qiyaame laga gaarayo.

Page 1 of 5