Dhexdhexaadnimada cibaadada Soon iyo Xajka

Rate this item
(0 votes)

Haddii aynu eegno Soonka waxaynu arkaynaa in loo fududeeyay in ay wax iska cunaan qofkii xanuusanaya, kii safar ku jira, gabadhii uur leh iyo gabadha ubaddka naaska jaqsiinaysa intaa ka dibna lagu leeyahay kafaarogud. Xajkuna keliya waa sanadkii hal mar weliba qofkii awooda.

Sidaas baynu u arkaynaa in  cibaadooyinku aanay wax dhib iyo cidhiidhi ah midna lahayn. Ilaahay baa yiri:

(يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ)(1)

(Ilaahay wuxuu idinla doonayaa fudayd, culaysna idinla dooni maayo)

وقال الله سبحانه: ( وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَج)(2)

Sidoo kale wuxuu ilaahay yiri: (Ilaahay ciriiri idinkuma yeelin diinta dhexdeeda)

كما قال الله تعالى: (لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ)(3)

Sida uu ilaahay u yiri: (Ilaahay nafna ma koryeelin wax aanay awoodin, naf waliba waxa ay leedahay wixii ay shaqaysatay, waxaana korkeeda ah wixii ay shaqaysatay)

(2)Dhexdhexaadnimada la dhaqanka dadka:

Shareecada islaamku waxa ay la timid hab dhamaystiran iyo manhaj kulansanaya  waxaas oo dhan. Islaamku kama tagin nolosha qayb ka mid ah balse wuu ilaaliyay oo daryeelay, wuxuu habeeyay xidhiidhka qofka iyo ilaahay ka dhexeeya, xidhiidhka qofka laftiisa iyo reerkiisa ka dhexeeya iyo xidhiidhka qofka iyo dadka kale ee ku wareegsan ka dhexeeya. Waxaanu islaamku u dedaalay sidii uu u dhabayn lahaa is jacaylka iyo walaaltinimada bulshada dhexdeeda, waxaanu hufay isku xidhkii is-dareen iyo naxariistii ka dhaxaysay, waxaanu islaamku xoojiyay xadhkihii isku xidhnaanta iyo isjacaylka muslimiinta dhexdooda. Si looga dhabeeyo wanaagga ummadda, isla markaana wanaagga iyo wax hagaajintu ay ugu dhamaystirnaato qaybaha nolosha iyo bulshada, waxaanu islaamku dad la dhaqanka ka dhigay dhexdhexaad ka fog xadgudub iyo ka gaabin labadaba, taasna waxa tusaale u ah:



(1) -  Al-baqara, 185

(2) – Al-xaj, 78

(3)  Al-baqara, 286

Read 217 times