Dhexdhexaadnimada iyo cibaadada Sakada

Rate this item
(0 votes)

Sidii aynu dhexdhexaadnimada salaada usoo aragnay si la mid ah ayaynu u arkaynaa dhexdhexaadnimada Sakada . Lama waajibin mar kaste laakiin waxa la yidhi " Xaqiisa siiya marka ay beertu go'do"(2)

Marka la gaadho wakhtigii ay Sakadu waajibaysay. Dahabka iyo Fiddadana marka laga soo wareego sanad. Haddii dedaalka la beerta la geliyay farabadan yahay waxa la bixinayaa wuu yaraanayaa.Haddii se dedaalka la geliyay yaryahay waxa la bixinayaa wuu badanayaa.

Wixii beerta midho iyo deleg ah ee biyaha cirku waraabiyeen iyada oo laga shaqayn isla markaana loo isticmaalin wax qalab ah waxa laga bixinayaa toban meeloodoow meel.

Wixii laga shaqeeyay ama se qalab loo isticmaalayna waxa laga bixinayaa toban meeloodoow meel badhkeed.

Wixii laga shaqeeyay isla markaana qalab loo isticmaalay waxa laga bixinayaa toban meeloodoow meel rubuceed, sida Sakada dahabka iyo fiddada. Maalka ganacsiga iyo wixii aan la shaqaysan ee dhulka hoostiisa laga hellayna waxa laga bixinayaa shan meeloodoow meel.



(2) Muwada’a Imaam maalik (35)

Read 241 times