Dhexdhexaadnimada Ummadda

Rate this item
(0 votes)

Wuxuu quraanka kariim ummadda islaamka ku sifeeyay in ay tahay ummad dhexdhexaad ah.

قال تعالى: (وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا لِتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ وَيَكُونَ الرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيدًا) (1)

 Wuxuu ilaahay yidhi:

(Sidaas waxaanu idinka dhignay ummad dhexdhexaad ah.Si aad dadka markhaatiyaal ugu noqotaan. Rasuulkuna markhaati idiin ka noqdo).dhexdhexaadnimadu waa  waxa ugu doorka roon  iyo waxa ugu wanaagsan.

Markii ilaahay ku galaday ummaddan nimcada dhexdhexaadnimada waxa ay noqotay ummadda ugu wanaagsan ummaddaha.Waxaanu ilaahay ku gaaryeelay sharciyo dhamaystiran iyo manaahijyo cadcad iyo waajibaad aad u fudud.

كما قال سبحانه وتعالى: (هُوَ اجْتَبَاكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ مِلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِنْ قَبْلُ وَفِي هَذَا لِيَكُونَ الرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ)(2)

Wuxuu yiri ilaahay:

(Isaga"Ilaahay" baa idin doortay.Diinta dhexdeedana ilaahay ciriiri idin kuma yeelin. Waa diintii aabihiin Ibraahim. Ilaahay baa muslimiin idinku magacaabay hadda ka hor iyo quraankan dhexdiisaba. Si uu rasuulku markhaati idiinka ahaado. Idinkuna dadka markhaatiyaal ugu ahaataan)

وعن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلميُدْعَى نُوحٌ يَوْمَ القِيَامَةِ، فَيَقُولُ: لَبَّيْكَ وَسَعْدَيْكَ يَا رَبِّ، فَيَقُولُ: هَلْ بَلَّغْتَ؟ فَيَقُولُ: نَعَمْ، فَيُقَالُ لِأُمَّتِهِ: هَلْ بَلَّغَكُمْ؟ فَيَقُولُونَ: مَا أَتَانَا مِنْ نَذِيرٍ، فَيَقُولُ: مَنْ يَشْهَدُ لَكَ؟ فَيَقُولُ: مُحَمَّدٌ وَأُمَّتُهُ، فَتَشْهَدُونَ أَنَّهُ قَدْ بَلَّغَ: (وَيَكُونَ الرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيدًا) [البقرة: 143] فَذَلِكَ قَوْلُهُ جَلَّ ذِكْرُهُ: (وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا لِتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ وَيَكُونَ الرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيدًا) وَالوَسَطُ: العَدْلُ.(1)

 

Abi-Saciid El khudari waxa laga weriyay in uu yiri, Nebiga "N.N.K.H" ayaa yiri: (Nebi Nuux ayaa loo yeerayaa maalinta qiyaamaha markaasuu oranayaa: ku yeelay oo ku ajiibay rabigaygoow. Markaasaa lagu oranayaa: "Umaddaadii ma gaadhsiisay?. Markaasuu oranayaa nebi Nuux: "Haa". Markaa saa umaddiisii  lagu oranayaa: "Ma idin soo gaarsiiyay?" markaasay oranayaan:  "Nooma ay iman Cid noo digtaa " markaasaa nebi Nuux lagu oranayaa: " Yaa kuu markhaati ah?"

Markaasuu oranayaa: "Maxamed iyo ummaddiisa" markaasay u markhaatifurayaan in uu dhab ahaan gaarsiiyay.

Ilaahay baa yiri: "Rasuulka ayaa markhaati idin ku ah" Kaasina waa hadalkii eebe ee ahaa " Sidaa darteed waxaanu idinka yeelay ummad dhexdhexaad ah. Si aad markhaati ugu noqotaan dadka.Rasuulkunu idinka markhaati idinka ahaado".

Aayadanni waxa ay tilmaamaysaa in ummadda islaamka markii ilaahay qiblada  kasoo badalay Beytu-maqdis una soo badalay kacbada la sharfay. Isla markaana ilaahay umaddan u doortay in ay yihiin umadda ugu wanaagsan umaddaha.Si ay markhaatiyaal ugu noqdaan umadaha.Maxaa yeelay umadaha kale oo dhami way garanayaan fadliga umadda nebi Maxamed.

Sidoo kale aayadu waxa ay caddaynaysaa in markii rasuulku (N.N.K.H) u hijrooday Madiina oo dadkeeda ugu badani ay Yuhuud ahaayeen, uu ilaahay amray in uu u tukado Beyt-El Maqdis, Yuhuudina ku farxeen arinkaas. Rasuulkuna waa uu u jeestay (U tukanayay) Beyt-El Maqadis, dhawr iyo toban bilood.Markaas rasuulku ilaahay ayuu baryay inta uu samadda eegay kadibna ilaahay ayaa soo dejiyay

 (قَدْ نَرَى تَقَلُّبَ وَجْهِكَ فِي السَّمَاءِ فَلَنُوَلِّيَنَّكَ قِبْلَةً تَرْضَاهَا فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ وَحَيْثُ مَا كُنْتُمْ فَوَلُّوا وُجُوهَكُمْ شَطْرَهُ وَإِنَّ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَيَعْلَمُونَ أَنَّهُ الْحَقُّ مِنْ رَبِّهِمْ وَمَا اللَّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا يَعْمَلُونَ )(2)

( Waanu aragnaa gedgedoonka wejigaagu uu xaga sare u gedoomayo, waxaanu kuu jeedin doonaa qiblo aad raali ka tahay ee wejigaaga u jeedi xaga masjidul xaraamka, meel kaste oo aad joogtaanna u jeediya wajiyadiina dhankaas, kuwa kitaabka la siiyayna way garanayaan in uu yahay xaq ka yimi xagga ilaahay, ilaahayna ma moogana waxa ay samaynayaan)

Hijrada ka hor nebiga (N.N.K.H) waxa la amray in uu u jeesto dhagax Beyt-El Maqdis xaggiisa ah. Markii Maka na wuxuu u jeesan jiray labo rukun dhexdood kuwaas oo isu keenayay kacbada iyo dhagaxii Beyt-ElMuqadis ba. Balse markii uu nebigu yimi Madiina wuu ka cudurdaartay isu keenistoodii siddaas darteed ilaahay baa amray in uu u jeesto Beyt-ElMaqdas.

Arinka ah in loo jeesto Beyt-Elmaqadis wuxuu ahaa mid dhanka ilaahay ka yimid.Sidoo kale arrinka bedalka qiblada loo soo badalay xagga kacbada wuxuu isna ahaa mid xagga ilaahay ka yimid.Waxaanay waafaqday doonistii nebiga (N.N.K.H).

Wuxuu ilaahay jideeyay in loo jeesto Beyt-El maqdis.Haddana wuxuu jideeyay in loo soo badalo xagga Kacbada.Waxaanu sidaa u sameeyay si loo kala ogaado qofka nebiga raacaya iyo ka cidhbihiisa dib ugu noqonaaya (Diinta ka baxaya).

(وَمَا جَعَلْنَا الْقِبْلَةَ الَّتِي كُنْتَ عَلَيْهَا إِلَّا لِنَعْلَمَ مَنْ يَتَّبِعُ الرَّسُولَ مِمَّنْ يَنْقَلِبُ عَلَى عَقِبَيْهِ وَإِنْ كَانَتْ لَكَبِيرَةً إِلَّا عَلَى الَّذِينَ هَدَى اللَّهُ)(3)

Wuxuuna ilaahay yiri:

(Kamaanaan yeelin qibladii aad u tukanaysay kasoo jeedinteeda in aanu kala ogaano mooyee qofka nebiga raacaya iyo ka cidhbihiisa ka laabanaya, waanay ku wayneed inta ilaahay soo hadeeyay mooyee inta kale)

Waxa Baraa Binu-Caasib ilaahay raali haka ahaadee laga soo weriyay: (In rasuulku "N.N.K.H" uu lix iyo toban ama toddoba iyo toban bilood u tukanaayey Beyt-Elmaqdis. Wuxuuna ka helayay in qibladiisu noqoto dhanka Beyt-elxaraamka. Wuxuuna ku tukaday ama se u tujiyay dadkii salaadda Casar, qoomkiina way la tukadeen)

Nin ka mid ah dadkii lasoo tukaday Nebiga ayaa soo baxay, dabadeedna wuxuu soo maray dad masjid ku tukanaaya oo rukuucsan markaasuu ku yidhi: Ilaahay baan qirree, waxaan lasoo tukaday Nebiga oo Kacbada usoo tukanaya. Waxaanay u degeen oo isku wareejiyeen sidii iyagoo ah dhinaca  qiblada ee kacbada. Waxaana jiray dad dhintay intaan qiblada lasoo badalin  Kacbadagaran mayno kuwaas wax aan niraahno. Markaasuu ilaahay soo dejiyay

وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُضِيعَ إِيمَانَكُمْ إِنَّ اللَّهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَحِيمٌ (1)

(Ilaahay ma luminaayo iimaankiina"Salaadiina". Ilaahay waa mid dadka u dhibirsan oo u naxariis badan)

Muuqaalada dhexdhexaadnimada Islaamka:

Waxaan soo bandhigaynaa qaar ka mid ah muuqaalada dhexdhexaadnimada sida ay u caddaysay caqiiqada islaamka iyo jidkiisuba iyo sidoo kale akhlaaqda laynoogu yeeraayo:

Midda kowaad:Dhexdhexaadnimada Caqiidada:

Dhexdhexaadnimada caqiidada waxa loola jeedaa in ay tahay caqiido khayr leh, aan mugdi ku jirin, cafis leh, toosan oo caddaalad leh. Iyo sidoo kale in ay tahay mid aan dhib iyo khasab lahayn ay dadku ku rumeeyaan ilaaha keligii ah.Ilaaha isaga loo baahan yahay ee aan isagu baahnayn.Ilaaha aan la dhalin isna wax dhalin. Ilaaha aan ciddi na u dhigmin. Balse dadku waxay ku rumaynayaan iimaan dhamaystiran oo aan matalaad iyo curyaamin midna lahayn, maxaa yeelay ilaahay ma jiro wax sidiisa oo kale ah waa maqal badan arag badan ah.

Sida ay caqiiqadu u caddaysay in aan sifooyinka ilaahay la matali karin lana carqaladayn karin si la mid ah ayay u caddaysay in la aamino waxa maqan (Qadarka). Waxaynu aragnaa culimadu in aanay oran qofku wuxuu ku qasban yahay shaqadiisa iyo sidoo kale in aanay dafirin qadarka. Culimada Ahlu Sunna wal jamaaca na waxay ka istaageen go'aan dhexdhexaad ah. Waxay rumeeyeen qadarka wanaagiisa iyo xumaantiisaba manay diidin taas iyada oo ay taasi jirto haddana ma ay odhan qofku wuxuu ku qasban yahay shaqooyinkiisa oo dhan isagoo laga boobayo ama laga qaadayo doonista ama awoodiisa.

Waxay sugeen in ilaahay koreeye yahay abuuraha wax kaste.Wixii uu doonaana ay dhacaan, wixii aanu doonina aanay dhacayn.Sidoo kale waxa ay rumeeyeen in adoonku leeyahay awood iyo doorasho.

Sidaa darteed waxay go'aan dhexdhexaad ah ka istaageen kuwii diidanaa awooda iyo doorashada adoonka iyo kuwii diidanaa qadarka.Waxayna rumeeyeen in ilaahay wax kaste awoodo.Waxay kaloo aamineen in adoonku leeyahay awood iyo doorasho.

Sidoo kale waxay dhexdhexaadnimada caqiidadu caddaynaysaa in aan lagu qarqoomin isla markaana loo balaarsan iimaanka wax kaste.Xaq ha ahaado ama se yaanu ahaanin.Tusaaale haku yimaado ama se yaanu ku iman. Iyo in aan tiir looga dhigan labada shay ee ay yiraahdaan: Noloshu waa maado (shay) isla markaana aanay rumaysnayn waxay dareemayaashoodu dareemaan mooyee wax kale. Waxa maqanna aanay rumayn iyo wixii kale ee xujo ah ee sheegaya rumaynta waxa maqan. Ilaahay baa qur'aanka ku leh isaga oo ka sheekaynaaya kuwa isaga ka cabsaday "Mutaqiin":

(الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ )(1)

( Waa kuwa rumeeyay waxa maqan salaadana oogay wixii aanu siinayna wax ka bixinaaya)

Dhexdhexaadnimada caqiidadu waxay caddaynaysaa rumaynta Malaa'igta.Iyo in ay yihiin adoomo la karaameeyay oo aan ilaahay ku caasiyin wuxuu amro.Sameeyana wixii la amro.Kaalintoodaas hoos uga dejin mayno sida ay sameeyeen qaar ka mid ah kuwa kasoo horjeestay ee xaqiray isla markaana yiri waa Dhedig.

Sidoo kale kaalintooda kama saraysiinayno iyadoo lagu xadgudbaayo sida kuwa caabuda ee ilaaha ka dhigtay. Labadan kooxoodba waa khaldanyihiin.Sida dhabta ahina waa in ay Malaa'igtu ay tahay adoomo ilaahay u abuuray ujeedo sare isla markaana u yeelay shaqo uu iyaga u xilsaartay.Waxa ka mid ah Malagga Waxyiga.Malagga Mowtka 'geerida' waxa kale oo ka mid ah kuwa carshiga xambaarsan iyo kuwo dhulka wareega iyo sidoo kale qaar ilaaliya shaqadii loo abuuray.

Sidoo kale waxay dhexdhexaadnimadu caddaysay in aay lagu talaxtegin rumaynta rasuulada.Sida dadka ku xadgudbay ilaa ay ilaahyo ka dhigteenba.Kaalintoodana hoos uga dhigi mayno oo dadka kale la simi mayno.Bal se waa dad ilaahay denbi ka dhawray, isla markaana u waxyooday. Markaas kuwa karaameeyay ee kor u qaaday ee caabuday waxay ku sugganyihiin baadi.Kuwa rumayn waayay ee dilay –sida umaddaha qaar- kuwaasina waxa ay ku suggan yihiin baadi. Nebiyadu waa dad inaga oo kale ah balse inagaga duwan waxyiga uu ilaahay kusoo dejiyay iyo denbiga uu ka ilaaliyay.

(قَالَتْ لَهُمْ رُسُلُهُمْ إِنْ نَحْنُ إِلَّا بَشَرٌ مِثْلُكُمْ وَلَكِنَّ اللَّهَ يَمُنُّ عَلَى مَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَمَا كَانَ لَنَا أَنْ نَأْتِيَكُمْ بِسُلْطَانٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ)(1)

 

Ilaahay wuxuu yiri:

(Rusushoodii baa ku tiri anagu keliya waxaanu nahay dad idinla mid ah, balse ilaahay ayaa ka doorta ciddii uu doono adoomihiisa, noomana ay sugnaateen in aanu xujooyin idiin keeno haddii aan ilaahay ogolayn, ilaahayna ha talasaartaan kuwa rumeeyay).

وقال رسول الله: «لاَ تُطْرُونِي، كَمَا أَطْرَتْ النَّصَارَى ابْنَ مَرْيَمَ، فَإِنَّمَا أَنَا عَبْدُهُ، فَقُولُوا عَبْدُ اللَّهِ، وَرَسُولُهُ»(2)

Rasuulka (N.N.K.H) ayaa yiri:

( Ha igu xadgudbina sidii ay Nasaari ugu xadgudbeen Ina-Maryama "Nebi Ciise". Keliya anigu adoon baan ahay ee dhaha adoonkii ilaahay iyo rasuulkiisii)

Gebagebada hadalku waa in yeermada Islaamka ee caqiidada saxda ah taas oo ilaahay loo rumaynaayo rabbinimo.Islaamkana loo qaadanayo diin ahaan. Nebi Maxamed na loo rumaynaayo nebi iyo rasuul ahaan waa yeermo ay ku jirto tilmaamid Islaami ah isla markaana aan lahayn qasab iyo sandule in lagu qaato.

(لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَدْ تَبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ)(1)

Ilaahay baa yiri: (Diinta qasab kuma jiro, hanuunka iyo baadida way kala caddaadeen)

Wuxuu sheegay sheekhii Islaamku (In ehlu sunnuhu ay yihiin dhexdhexaad oo loola jeedo caddaalad iyo doorasho, taas oo sheegaysa in ay dhexdhexaad u yihiin labadii kooxood ee midina xadgudugka samaysa middina ka gaabisay xaqii. Waxaanay u dhaxeeyaan kooxaha islaamka isu tiiriya sidoo kale waxay dhex ka yihiin bidcoolayaasha kuwaas oo xaqa la leexday) (2)



(1)  Al-baqara, 143

(2) Al-xaj, 78

(1)  waxaa soo saaray Bukhaari (4487)

(2)  Al-baqara, 144

(3) Albaqara, 143

(1)  waxaa soo saray Bukhaari (4486) iyo Muslim  (525)

(1) Al-baqara, 3

(1)  Ibraahiim, 11

(2) Waxaa soo saaray Bukhaari (3445)

(1)  Al-baqara, 256

(2) Hadalka sheekha islaamka Al-caqiida la-waasitiya ayuu ku sugan yahay

Read 209 times