Friday, 18 March 2016 04:20 Written by
Published in Fahamka Muwaadinimada

Muuqaalka xuquuqda muwaadinimada xiligii khilaafada toosan

Rate this item
(0 votes)

Saxaabadu waxay raaceen dariiqii nebigu ku saleeyay waddaninimada iyagoo kula tacaamulay dadkii aan muslimiinta ahayn,waxayna qoreen xeerar iyo dastuuro ilaaliya waajibaad iyo xuquuq siman oo dadku ku wada noolaadaan.

1.heshiiskii abii bakar la galay reer Najraan.

Khilaafadu markii ay kusoo wareegtay abii bakar waxa uu sugay heshiiska uu la wadaagi doono reer Najraan,waxana uu tilmaamay inu ku jaarnimo soori doono jaarnimada ilaahay,magana ku siin doono magantii nebigu siiyay maalkooda,naftooda ,dhulkooda,diintooda,cibaadadooda ,culimadooda,sida uu yahayna ugu oofin doono heshiiskii  nibigu kula jiray.

2.     Heshiiskii Cumar bin khadaab la galay reer iilliyaa.

Waxa Cumar maray dariiqii abii bakar isagoo heshiis la galay reer iilliyaa,waxana heshiiskaas uu ku siiyay magan geliyo ,naftooda ,hantidooda ,kaniisadahooda ,saliibkooda iyo inaan lagu khasbin soo gelida diinta islaamka ,qof kamidana dhib loo gaysan.

Waddaninimada islaamku waxay u cadaalad falaysaa qofka muslimiinta ku dhex nool iyadoo loo fidinayo daryeel marka uu tabarta daranyahay muwaaddinimada uu dadka la wadaago darteed,waxana Cumar binu khadaab qabtay nin odaya oo dadka wax waydiisanaya markii uu ogaaday inuu yahay Yahuudi laga qaado lacagta islaamku ku waajibyay  waxa uu cumar ilaahay raali haka ahaadee ku yidhi (kuumaanu cadaalad falin,xoolihii kugu waajibay dhalinyarta intaad ahayd waanu kaa qaadnay markaad gabawdayna kumaanu daryeelin,kadibna waxa uu geeyay hoyga hantida muslimiinta lagu kaydiyo waxana uu ka siiyay xoolo ku filan)waxa soo saaray qaasim binu salaam( Fil amwaal 1/56/119).

Dhamaan shuruucda lagasoo dheegtay shareecada islaamku gaar ahaan shuruucda tilmaamaysa habka loola dhaqmayo dadka aan muslimiinta ahayn ,waxay hadal ahaan iyo aragti ahaanba yihiin kuwa ugu caddaalada iyo sugnaata badan ,si loo xaqiijiyo cadaalad la jaan qaadaysa wakhti kasta iyo goob kasta .

Xiligii Cumar binu khadaab ilaahay raali haka noqdee waxa uu khaalid binu waliid kula heshiiyay reer Dimishiq magangelyo naftooda ,maalkooda ,magaaladooda ,iyo inaan la dumin dayrka magaaladooda  cidna lala dejin ,waxaan wanaag ahayna lagula dhaqmin hadii ay bixiyaan xoolaha islaamku ku waajibiyay .

 

 

3.Xiligii Cusmaan binu cafaan.

Cusmaan binu cafaan ilaahay raali haka noqdee waxa uu maray dariiqii nebiga s.c.w,waxana uu ahaa deeqsi dhawra xuquuqda muwaadiniinta ,ceelka lagu magacaabo Ruumah waxa uu ka iibsaday nin yahuudiya waxana uu hibo u siiyay muslimiinta maddiini si ay uga cabaan ,waxana uu ahaa mid aad ugu degdega ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta isagoo ixtiraam iyo maamuus siin jiray dadka aan muslimiinta ahayn waxana uu dhawri jiray heshiisyada uu la galay ee ilaalinaya naftooda maalkooda iyo xoriyadooda cibaado,waxana dhacday inay dadkaa aan muslimka ahayni ku noolaadeen barwaaqo iyo xasilooni kadib markii loo dhawray xuquuqdoodii siyaasadeed,dhaqaale,iyo cibaado .

Fahamka Muwaaddinimada xuquuq iyo waajibaad ahaanba waxay qofka muwaadinka ah ka dhigaysaa mid dareema sharaftiisa iyo dawrka uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda waxana kobcaysa ixtiraamka iyo isku duubnida bulshada dhexdeeda .

Shaki kuma jiro diidmada la diiday xag-jirnimada,xad-gudubka ,hiilka ku dhisan xaqdarada,waxana cad sida islaamku u dhiiri geliyay wada-noolaanshaha iyo nabad dadka in laga dhex abuuro,dadkana lagu booriyo isbarashada iyo is dhex galka si kor loogu qaado qiimaha muwaadinimada .

Read 120 times Last modified on Friday, 18 March 2016 04:47