Friday, 18 March 2016 04:14 Written by
Published in Fahamka Muwaadinimada

Fariinta kitaabka iyo sunnada ee wada-noolaanshaha

Rate this item
(0 votes)

Wada-noolaansha ka dhaxaysa Muslimiinta iyo dadka kale waa mid lagu qeexay sharciga islaamka ,daliilada ku tusaya arintaas sharcinimadeeduna kitaabka iyo sunnaha waa mid aad loogu xusay waxayna u dhigantahay sidan.

 

1.Fariinka quraanka ee wada noolaanshaha.

Quraanka kusoo degay Makka, waxa uu adkeeyay midnimada dadka ,waxa uu burburiyay dadka waxa kala soo caya ,ka hor intaan muslimiintu yeelan Ummadd ,Dawlad,xukuumad iyo goob juqraafiyatoona ,midnimada xaga asalka ee ka dhaxaysa dadku waxay ahayd ta wax-yigu iftiimiyay,mana aqbalin dood in laga furo iyo in lagu xad-gudbo toona ,waxana islaamku ahaa kii ugu hor baaqay fikrada in la abuuro muwaadin caalamiya ,iyo abuurida ummadd islaamiya ,dawlada islaamkana si siman in loogu wada raaxaysto waajibaadka iyo xuquuqda ka dhalanaysa ,qofku markuu sidaa islaamnimada u qaato cida uu doono ha ahaadee helo xuquuqdaas ,waxayna xadaarada islaamku sidaa kaga bad-baaday xanuuno xadaaradaha dunidu aanay ka bad baadin sida cunsuriyada ,asal takoorka,iyo cuqdada qaar shucuubta ka midi isu arkayeen inay yihiin shacab dhinaca ilaahay laga doortay .

Islaamku waxa uu qiray mab-da’a wadaninimada waliba waxa uu ku xoojiyay xeerarka ilaalinaya xuquuqda muwaadinka ,arintaas oo ka dhigtay dadka muslimiinta la wadaaga dalka inay xuquuqdooda iyo xoriyadooda oo dhamaystiran helaan,dareemaana sharafta iyo qiimaha ay ku dhex leeyihiin dawlada islaamka.

Waxa islaamku qirayaa cilaaqada ka dhaxaysa dadku inay tahay is barasho ,waxana ilaahay sareeye yidhi :

 

)يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ( الحجرات 13.

“dadyahaw waxaanu idinka abuuray lab iyo dhadig,waxaanu idinka dhignay shucuub iyo qabiilo si aad isugu garataan ,kiina ugu sharafta badan ilaahay agtiisa waa kiina ugu ilaah cabsiga badan  , ilaahay waaka cilmiga badan ee xaalad kastana khabiirka ku ah” xujuraad 13.

Wada noolaanshaha muslimka iyo dadka kale lama diidin inta ay tahay xidhiidh caadiya oo muslimiinta aan cabsi gelinayn diintoodana xad-gudub ku samaynayn,ilaahayna waxa uu cadeeyay seeska wada noolaanshahaas waxana uu yidhi sareeye :

)لا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ(  الممتحن 8.

“ilaahay idiinma diidin kuwa  aan idinkula dagaalamin diinta ee aan idinka saarin guryahiina inaad u samo safashaan cadaaladna u samaysaan ,ilaahay waxa uu jecelyahay dadka cadaalada fala”mumtaxin 8.

Wada noolaanshuhu waxa  uu isku bedeli karaa iskaashi hadii khayr iyo wanaag ugu jiro bulshada .

Waxa quraanku dhidibada u taagay qorshe cad oo qoyska aduunka u dhexeeya ,waxana islaamku daboolka ka qaaday dadka in laga abuuray naf keliya ,taasina waxay cadaysnaysaa dadku asalka inay wadaagaan,ilaahayna sareeye waxa uu yidhi :

)يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالأَرْحَامَ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا( النساء 1.

“dadyahaw ka cabsada ilaaha idinka abuuray hal naf ee naftaa hadana ka abuuray lamaanaheeda ee ka farcamiyay labadooda rag badan iyo dumar ,ka cabsada ilaaha aad wax waydiisataan iskana ilaaliya xuquuqda qaraabada ,ilaahay waxa uu ahaaday mid la socda waxa aad falaysaan”nisaa 1.

 Aragtida islaamka dadka oo dhami waxay ubad u yihiin  hal qoys ,dhamaanatoodna waxay xaq u leeyihiin wada noolaansho ku dhisan sharaf iyadaan cidna gaar loo soocin,aragtida quraanku waa mid sharaf huwisay dadka iyadoon la eegin diintooda ,midabkooda ,jinsiyadooda iyo luuqadooda toona ,waana calaamad lagu garanayo awooda ilaahay waxana uu yidhi sareeye :

  )وَمِنْ آيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَوَاتِ وَالأَرْضِ وَاخْتِلافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لآيَاتٍ لِّلْعَالِمِينَ  (الروم22.

“ilaahay calaamadaha lagu garto waxa ka mida abuurka cirka iyo dhulka,kala duwanaan shaha luuqadahiina iyo midabadiina,arintaa   aayad ayaa ugu jirta kuwa cilmiga leh”ruum 22.

 Kala duwanaanshahaasi ma banaana sabab inay u noqoto kala tagid iyo cadaawad ,cagsiga ayaa waajiba, dadka inay sabab u noqoto is barasho iyo wanaaga oo lagu kulmo iyo maslaxada guud oo laga wada shaqeeyo ilaahay sareeye waxa uu yidhi :

)يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ( الحجرات 13.

“dadyahaw waxaanu idinka abuuray lab iyo dhadig,waxaanu idinka dhignay shucuub iyo qabiilo si aad isugu isugu garataan ,kiina ugu sharafta badan ilaahay agtiisa waa kiina ugu ilaah cabsiga badan  , ilaahay waaka cilmiga badan ee xaalad kastana khabiirka ku ah” xujuraad 13.

Miisaanka kala saraynta ee quraanku dejiyay waxa halbeeg u noqonaya waxa qofku bulshada kusoo kordhiyo ee wanaaga oo lagu daray rumaynta uu rumeeyay ilaahay, ilahayna sareeye waxa uu yidhi :

إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ))

“waxa idiinku sharaf badan ilaahay agtiisa qofka ugu cabsida badan ilaahay “xujuraad 13.

Waxa ugu mudan taariikhda islaamka dhamaanteed,qirista sharafta dadka ,iyo ilaalinta xurmadiisa .

Islaamka sameeyay taariikhdaasi waxa uu dadka ku sharfayaa inuu yahay iinsaan ka mida caruurta nebi aadam,waxa ilaahay sareeye yidhi :

 

وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَم) اسراء70.)

“xaqiiqadu waxay tahay dadka ilma aadan inaanu sharafnay”isra70.

 

Macnaha ugu sareeya ee dadnimadu leedahay ee taariikhda islaamkuna ilaalisay waa sinaanta ka dhaxaysa dadka iyadaan la eegin midab,qawmiyad,martabad,iyo caqiido . fiiri kitaabka( taariikhanaa al muftaraa ,yusuf al qardaawi 38.)

Read 174 times Last modified on Friday, 18 March 2016 04:46