Friday, 18 March 2016 04:12 Written by
Published in Fahamka Muwaadinimada

Muwaaddinimadu waxay leedahay xuquuq iyo waajibaad

Rate this item
(0 votes)

Muwaaddinimadu maaha xuquuq keliya, waxay kaloo leedahay waajibaad,hadii muwaaddinimadu qofka u suurta gelinayso xuquuq, sida xaqa dadka riyidka ah inuu la xuquuq noqdo,xaq u helo ka qayb qaadashada siyaasada ,xuquuqda bulshada dadka la wadaago iyo xuquuqda qaanuuniga ah iyo xuquuqda kale ee la midka ah ,isagana waxa lagu yeelanayaa waajibaad qaanuunku ku xukumay iyo masuuliyado wadaniya oo ku faral yeelaya wadanka inuu siiyo hiilkiisa oo dhan.

Waxyaalaha muwaadinka ku waajiba waxa ka mida, qofku inuu ixtiraamo rabitaanka dadka kale dhaqan ahaan iyo luuqad ahaanba iyo xiliga ay doonaan rabitaankaa inay bedeli karaan,iyo inuu ka qayb qaato iskaashiga siyaasadeed iyo hab-dhaqanka isaga iyo dadka kalaba u suurta gelinaya taaba-gelinta iyo fahamka dhaqanka toosan ee dalka iyo ka dunidu wadaagtaba.

Waxa ugu muhimsan muwaadinimada xaq kasta in la dhawro waajibaadkiisa ,waxayna waajibaadkaasu duuduub ahaan noqonayaan ,dadka dhaqankooda in lagu ixtiraamo, caqiidadooda lagu ixtiraamo,rabitaankooda lagu ixtiraamo,la ixtiraamo iskaashiga buuxa ee ka dhexeeya muwaadiniinta ,laga qayb qaato dooda wanaagsan iyadoo la kobcinayo fikirka ,qaybna laga noqdo raadinta xalka mushkiladaha soo waajahaya muwaadiniinta .

Muwaadinimada noocaas ku dhisani waa fikrad kulminaysa qaybaha kala duwan ee bulshada keliya ee kula duwan Diinta,Asalka ,Qabiilka,mad-habka ,waxayna ka dhigantahay gogosha kulminaysa kala duwanaanshaas una dhigaysa qaab dawladnimo.

Waxa khalad wayn ah in lagusoo gaabiyo muwaaddinimada ku dhisan wada noolaanshaha dadka kala diinta ah oo keliya ,tusaale sida bulsho ku kala duwan diinta ,arintaasina waa muuqaal ka mida muuqaalada muwaaddinimada ,waxa iyana imanaysa ragii iyo dumarkii in la simo ,madaa-hibtii ku kala baxday diinta keliya in la simo ,sidoo kale dadka muwaadiniinta ah ee gobolada kala duwan ku kala nool dawlada dhexdeeda  in laga simo wax-qabadka,iyadoo loo wada adeegayo iyadaan la fiirin goobaha muwaadiniintu ku nool yihiin dawlada dhexdeeda,adeegaasina uu ahaado midaan muwaadiniinta ku kala saarayn asal iyo midabtoona .

Waxaana arimahaa ka dhalanaya xidhiidhka dawlada iyo dadkeeda u dhaxaynayaa inuu ahaado xidhiidh siyaasadeed, mid sharci iyo sinaanta ku dhisan,  cid waliba halka ay ku haboontahayna ka shaqa siinaya waajibna uga diraya.

Read 199 times Last modified on Friday, 18 March 2016 04:46