Thursday, 17 March 2016 18:58 Written by
Published in Fahamka Muwaadinimada

Hordhac Fahamka Muwaadinimada

Rate this item
(0 votes)

Muwaadinimadu waxay ka mid tahay qadiyadaha muhimada wayn u leh dawladaha caalamka ee maanta jira, maxaa yeelay wadanka in lagu ab tirsado iyo in la fahmo abtirsiimadaas, waxay ka dhigaysaa qofka muwaadinka ah, mid ku dadaala ilaalinta jiritaanka wadankiisa ,sidoo kale waxay ka dhigaysaa mid dareema qiimaha ,sharafta iyo dawrka uu ku dhex leeyahay wadanka iyo muj-tamaciisa, maxaa yeelay waxa uu ku raaxaysanayaa xuquuqda uu ku leeyahay dalka, waxana uu ku dadaalayaa gudista  waajibaadka uu ku leeyahay dalku.

Marka aan ka hadlayno fahamka muwaadinimada, waa inaan ka hadalaa macnaha ay leedahay muwaadinimadu iyo dardaaranada islaamka ee xidhiidhka la leh, sidoo kale waa inaan tilmaamnaa wada-noolaanshaha islaamku ku baaqay iyo caadooyinka uu ka degay, sida is qoqobista iyo hiilka xaqdarada ah ,waxa iyana mudan tilmaam in aan ka  bixino sida islaamku u fuliyay muwaadinimada xiligii nebiga s.c.w iyo khulafada toosan.

Read 275 times Last modified on Friday, 18 March 2016 04:45
More in this category: Eray bixinta Muwaadinimo »