Tusaale la taaban karo oo ka mid ah qaababka dhexdhexaadnimada ee noloshii Nebiga "N.N.K.H"

Rate this item
(0 votes)

Dhexdhexaadnimada Islaamka eek u sugan sheekadii Salmaan iyo Abii-Dardaa ilaahay haka raali ahaadee

Cawn Binu-Abii Juxayfa wuxuu aabihii ka soo wariyay in uu yidhi: (Nebiga ayaa walaaleeyay Salmaan iyo Abii-Dardaa. Salmaan ayaa soo booqday Abii-Dardaa dabadeedna wuxuu arkay Ummu-Dardaa oo dhar duluf ah wadata wuxuuna ku yidhi: "Waa sidee arinkaagu?" waxay ku tidhi: "Walaalkaa Abu-Dardaa adduunka dan kama laha, waxaa soo galay Abu-Dardaa waxaanu cunto usoo sameeyay Salmaan, markuu cuntadii soo dhigay ayuu Salmaan ku yidhi: "Cun" Abu-Dardaa baa yidhi: "Waan soomanahay" Salmaan baa ku yidhi: " Ma cunaayo ilaa aad ila cunto" markaasuu cunay. Markii ay habeenkii gaadhay ayuu Abu-Dardaa salaad u kacay, Salmaan baa ku yidhi: "Seexo" markaasuu seexday. Haddana wuu kacay markaasuu ku yidhi: "Seexo" markii ay gaadhay habeenka dhamaadkiisii ayuu Salmaan ku yidhi: "Imaka soo kac" markaasay tukadeen. Salmaan ayaa ku yidhi walaalkii " Xaq buu kugu leeyahay Rabigaa, naftaaduna xaq bay kugu leedahay, reerkaaguna xaq buu kugu leeyahay ee mid kaste xaqiisa sii, Nebiga ayay u yimaadeen oo arrintii u sheegeen dabadeedna nebiga 'N.N.K.H' ayaa yidhi: (Run buu sheegay Salmaan)(1).

 

Iftiiminta Xadiiska:

Sheekadu waxa ay ku bilaabantay iftiimin ay inoo iftiiminayso walaaltinimadii Nebigu guntay. Waxaanay sheegaan dadka duulaanadii nebiga ka hadlaa in walaaltinimaynta Nebigu ay labo jeer ahayd: Ta hore waxay ahayd hijrada ka hor waxaanay gaar u ahayd muhaajiriinta dhexdooda in la walaaleeyo si ay isugu taageeraan oo isugu gargaaraan, waxaana taas ka mid ahayd walaaltinimayntii Sayd Binu-Xaarisa iyo Xamse Binu-Cabdi Mudalib. Intaa ka dib nebigu 'N.N.K.H'  markii uu soo hijrooday ka dib wuxuu walaaleeyay Ansaar iyo Muhaajiriin. Taasina waxay ahayd markii uu Madiina soo gaadhay, halkaas baanu nebigu ka taagay manhaj dhexdhexaad ah oo sii waaraya.

Kuwani waa tusaale ka mid ah kuwii nebigu walaaleeyay waana Salmaan iyo Abu-Dardaa ilaahay labadoodaba haka raali noqdee, islaamka ayaa isugu xidhay xidhiidh aad u dhow. Waxaanay ahaayeen kuwo wanaaga isu sheega, mid kastaana ka kale u tilmaama dariiqa islaamka iyo hanuunka, iyo wax kaste oo qofka muslinka ah looga baahan yahay in uu la yimaado oo xaqa ilaahay ku leeyahay iyo xaqa naftiisa iyo xaqa reerkiisaba ah.

Salmaan ayaa soo booqanaya gurigii Abaa-Dardaa dabadeedna wuxuu ugu imanayaaa gabadhiisii oo  si xun u taalla labis ahaan oo dhar duluf ah xiran  markaana gashaynaysa dharkii shaqada markaasuu waydiinayaa: "Sidee wax u jiraan?"  tirmithi riwaayadiisa waxaa ku sugan : ammu dardaahey miyaad dulufaysan tahay?  iyaduna waxa ay ugu warcelinaysaa "Walaalkaa Abu-Dardaa adduunka dan kama laha, maxaa yeelay isaga ayunbaa cibaadadiisa ku dedaalaya, waxaanu ka fogaaday wanaagii nolosha iyo ku raaxaysigii waxyaabihii raaxada ahaa ee u xalaasha ahaa, sidoo kale wuxuu ka dheeraaday dumarkii.  Markii uu Abuu-Dardaa yimid ee uu cuntada inta uu u soo sameeyay soo hordhigay walaalkii Salmaan si uu u cuno ayuu ku yidhi Salmaan: "Cun" markaasuu Abu-Dardaa odhanayaa: "Waan soomanahay" Salmaan oo marti ah ayaa odhanaya: "Cuni maayo cuntada ilaa aad ila cunto" ujeedada ka danbaysa ee uu Salmaan sidan u leeyahayna waxa ay tahay in uu wax ka badalo habka uu ku socdo ama se ku noolyahay walaalkii Abu-Dardaa ee ah in uu naftiisa oo keliyaa cibaadada ugu dedaalayo iyo waxyaabihii kale ee ay gabadhiisu kasoo ashkatootayba, sidaas buu Salmaan u yidhi: "Cuni maayo ilaa aad ila cunto, dabadeedna wuu la cunay taasina waxay ahayd mid ka mid ah waxyaabaha uu joogteeyay Abu-Dardaa oo ahayd Soomista maalin kaste.

Xadiiska maxaynu ka faa'iidaynaa:

Sheekadan waxa ku jirta tusaalayaal badan oo tilmaamaya dhexdhexaadnimada islaamka iyo sugnaanta shareecada xagga sare laga soo dejiyay, sida ay u kafaalo qaaday xaqa, kaas oo la doonayo in qofka muslinka ahi ilaaliyo.

Waxa jira xaq ilaahay qofka ku leeyahay kaas oo qofka laga doonayo in uu la yimaado, xaq uu reerkaagu kugu leeyahay oo qofka laga doonayo in uu la yimaado iyo xaq qofka naftiisu ay ku leedahay oo la doonayo qofku in uu ku baraarugsanaado.Waxa la doonayaa in mid walba xaqiisa la siiyo iyada oo aan midna mid lagaga mashquulayn isla markaana loo gaabinayn.

Waxa kale oo aynu xadiiska ka faa'iidaynaa kicista habeenkii salaada loo kaco, Abu-Dardaa habeen oo dhan wuu taagnaanayay isaga oo aan jidhkiisa qayb raaxo ah siin, naftiisana hurdadii ay u baahnayd muusan siin, reerkiisuna xaqii uu ku lahaa muusan siin, dabadeedna markii ay habeenkii gaadhay ee uu Abu-Dardaa kacay ayuu Salmaan ku yidhi:  "Seexo" haddana wuu kacay haddana wuxuu ku yidhi: "Seexo" markii ay gaadhay habeenka qaybtiisii danbe ayuu ku yidhi: "Hadda kac" markaasay tukadeen. Hab u dhaqankan tooska ah wuxuu Salmaan ku doonayay in uu walaalkii tuso sida habboon ee loo gudanaayo xaqa ilaahay, xaqa reerka iyo xaqa nafta ba, dabadeedna wuxuu ku hagay xaqiiqada waxaanu ku hanuuniyay waxa wanaagsan in la sameeyo isaga oo ku leh: Xaq buu kugu leeyahay rabigaa, naftaaduna xaq bay kugu leedahay, reerkaaguna xaq buu kugu leeyahay ee sii mid kaste xaqiisa.

Heerka lagu qiyaaso ka baqista iyo cabsida ilaahay ma aha in qofku naftiisa ku kalifo wax aanay awoodin, mana aha in laga mashquulo cibaadada taasi waxa ay keenaysaa in lasii joogtayn kari waayo ama se laga gaabiyo waxyaabo kale oo xaq laguugu lahaa, dabadeedna qofku joojiyo ku socodkii uu ilaahay u hoggaansanaa, balse heerka lagu qiyaaso cabsida ilaahay iyo u hoggaansanaantiisu waxa ay ku jirtaa joogtaynta iyo dadkoo loo qaabilo si niyad iyo kalagacayl ku jiro, sidoo kale waxa ay ku jirtaa in la dhadhansado macaanka iimaanka, iyo wixii nebigu 'N.N.K.H' Abu-Dardaa u sheegay ee uu yidhi: "Run buu sheegay Salmaan"

Riwaayada kale ee Tarmiidi(1) iyo Ibnu-Khusayma(2) ba waxa ay intaas kusii darayaan ( Jiiraankaaguna xaq buu kugu leeyahay) . Daar-alqudni(3) na waxuu ku darayaa (Soon oo afur, tuko oo seexo, reerkaagana u tag)

Diinta Islaamku waa diin fudud culaysna ma leh, waa diintii naxariista cidhiidhina kuma jiro, ilaahay baa leh: ( Ilaahay fudayd buu idinla doonayaa culays iyo adaygna idin lama doonaayo)(4) sidoo kale wuxuu ilaahay leeyahay: (Ilaahay wax cidhiidhi ah idinkuma yeelin diinta dhexdheeda)(5)

Sidaas buu saxaabigii waynaa ee Salmaan walaalkii ugu caddeeyay dariiqa ku dayashada leh. Sidii Abi-Dardaa samaynayayna waxa ay ahayd mid uu naftiisa ka keensaday dabadeedna wuxuu markii danbe raacay sidii walaalkii Salmaan u tilmaamay isla markaana rasuulku 'N.N.K.H' usii adkeeyay.

Salmaan iyo Abu-Dardaa labadooduba waxa ay meel ku leeyihiin kaalinta uu xadiiska Muslin caddaynaayo.

Caa'id Binu Camr waxa laga soo wariyey: (In Abaa-Sufyaan u yimi Salmaan, Suhayb iyo Bilaal oo koox la fadhiya dabadeedna ay ku yidhaahdeen: "Walaahi seefihii ilaahay kama goosan cadawgii ilaahay wixii ay ka goosan lahaayeen" wuxuu yidhi Abu-Bakar baa markaa yidhi: " Sidaa ma waxaad ku leedihiin sheekhii Qureysh iyo saydkoodii" Dabadeedna Abu-Bakar ayaa nebiga u yimi sheekadiina u sheegay, markaasuu Nebigu 'N.N.K.H' Abu-Bakar ku yidhi: " Abu-Bakaroow waxa laga yaabaa in aad ka cadhaysiisay, haddii aad ka cadhaysiisay waxa aad ka cadhaysiisay rabigaa" Abu-Bakar baa u yimi oo ku yidhi: " Miyaan idinka cadhaysiiyay walaaladayoow" markaasay ku yidhaahdeen: " May, ilaahay denbigaaga ha dhaafo walaalkayoow"(1)

Waxa kale oo aynu sheekada kala soo dhexbaxaynaa ahmiyada wax isku sheegga muslimiinta iyo fadliga kicista habeenkii salaad loo kaco iyo sidoo kale jidaynta in gabadhu ninkeeda isu qurxiso iyo in ay banaantahay in la joojiyo wax wanaagsanaa haddii laga baqdo in uu keenaayo daal iyo caajis fara badan isla markaana ay ku dayacmayso xuquuq kale oo ahayd in lala yimaado,  sidoo kale waxa aynu sheekada kala dhex baxaynaa in ay banaantahay jebinta ama afuraada soonka sunnaha ah iyada oo aan la gaadhin wakhtigii afurka.Waxa kale oo iyadana meesha ku jirta in aanay wanaagsanayn ama se dhib ay tahay nafta lagu dirqiyo cibaadada. Ilaahay baa ina leh: (Ilaaahay nafna kuma kelifin wax ay awooddo mooyee)(2)



(1)  waxaa soo saaray Bukhaari (1968)

(1)  Sunan tarmidi (2413)

(2) Saxiix ibnu khuzayma (2144)

(3) Sunan Addaraqudni (2235)

(4) Al-baqara, 185

(5) Al-xaj, 78

(1)  waxaa soo saaray Muslim (2504)

(2)  Al-baqara, 286

Read 132 times