Dhexdhexaadnimada anshaxa iyo akhlaaqda

Rate this item
(0 votes)

Hagidda nebigu waxay ahayd mid mar walba ku taagan dhexdhexaadnimo. Wuxuu Ibnu-Qiyam kitaabkiisa Saad al Macaad ku sheegay isaga oo ka hadlaaya hagidda Nebiga [N.N.K.H] ee hadalkiisa (Rasuulku haddii uu hadlaayo wuxuu ahaa mid ku hadla hadal cad oo kala saarsaaran oo la tirin karaayo. Hadalka rasuulku ma ahayn hadal degdeg ah oo aan la qaban karin iyo hadal kala go'go an oo aamusku ku badan yahay, balse hadyigiisu wuxuu ahaa hadyiga ugu dhamaystiran.

Caa'isha waxa ay tidhi:

(Rasuulka ilaahay ma ahayn mid u sheekeeya sidan aad u sheekaynaysaan, laakiin wuxuu ahaa mid ku hadla hadal cad oo kala saarsaaran oo uu qaban karo qofka la fadhiyaa)

Dabadeed wuxuu Ibnu-Qayim ka hadlayaa hadyiga rasuulka ee hurdadiisa waxaanu yidhi: (Rasuulka hurdadiisu waxa ay ahayd hurdada ugu dhexdhexaadsan) Dhakhaatiirtuna waxa ay yidhaahdaan waa habeenka saddex meeloodoow meel oo u dhiganta siddeed saacadood)(1).

Xagga socodka rasuulka wuxuu Ibnu-Qayim yidhi: (Socodkii Nebigu"N.N.K.H) wuxuu ahaa socodka dadka go'aanka hanka iyo geesinimada leh, waana socodka ugu dhexdhexaadsan, xubnaha jidhkana ugu raaxo badan, kana fog socodka liidnimada, doqoniimada iyo maydnimada intaba. Qofka soconayaana waa mid u socda si maydnimo leh oo uu hareer ka socdo siduu uu loox sido oo kale, waana socodka xun ee la dhaleeceeyay, ama waa qof u socda socod murugo, baqdin iyo gargariir leh sida socodka awrka dheeliga ah, sidoo kale kaasina waa socod aan la ammaanin oo xun, kuna tusaaya hoosaynta caqliga qofkaas si kaste oo uu u baaladaymoodo oo marba bidix iyo midig u eego ba. Balse socodka deggani waa socodka dadka ilaahay doortay waana socodka ilaahay adoomihiisa ku sifeeyay, isaga oo yidhi:

(Adoomada Raxmaanku waa kuwa si deggan u socda dhulka dushiisa) Waa socod degganaan iyo xasillooni ku jirto isla markaana ka madhan isla wayni iyo maydnimo labadaba waana socodkii Nebiga (naxariis iyo nebadgelyo korkiisa ha ahaatee)(2).

Haddii muslimiintu sameeyaan hanuunkii rasuulka isla markaana dhexdhexaadnimada ku tiiriyaan akhlaaqdooda, dhaqankooda iyo hadalkoodaba way u wanaagsanaan lahayd waxaanay u ahaan lahayd ta ugu toosan uguna sugan ee ugu xaq mudan.



(1)  Zaad almacaad fii hadyi khayr alcibaad (1/153)

(2) Zaad almacaad fii hadyi khayr alcibaad (1/161)

Read 181 times