Friday, 25 March 2016 07:25

Gogolxaarada buuga muslin baan ahay

Rate this item
(1 Vote)

Gogolxaarka Sheekh Cabdiraxmaan Nasr Nassaar

 

Mahadda Alle ayaa iska leh, naxariis iyo nabagelyo sayidkeena korkiisa ha ahaato rasuulkii Alle ahaa.

 

Intaa ka dib,

 

In islaamka loo nasab sheegto waxay sharaf u tahay qof kasta nisbadan helay, kitaabkan yar cinwaankiisa kan ah wuxuu ku soo jiidayaa qofka fiiriya, wuxuu baraarujinayaa qalbiga akhriyaha, waannu akhrinay indhaheenana wuu dhafriyay, indhaheena ayuu ilo* ka daadiyay, wuxuu cusboonaysiiyay xiriirka noo dhexeeyay annaga iyo diinteena, waxaan rajaynayaa inay sii socoto deeqda  Qoraha iyo inuu wax ka taabto mowduucyada mu'miniinta u kordhinaya iimaanka, qiimaha kitaabka ma aha weynidiisa iyo jurmigiisa , immisa kitaab oo weyn oo ah sida lacag feek oo kale, oo qof rabo jirin, ee qiimihiisu waa mawduuciisa iyo ulajeeddadiisa, taasna waxaad si toos uga arkaysaa kitaabkan yar.

 

Alle ayaan u weyddiinayaa qorehiisa ku sugan dadkii dambe inuu geeyo booska dadkii hore oo uu raalli ka noqday.

 

Cabdiraxmaan Nasr Nassaar

 

Imaamka iyo kadiibka msajidka Al-qaa'id Ibraahiim

 

 Gogolxaarka Sheekh Saciid Caamir

Waxaa mahad iska leh Allaha raalli naga noqday annagoo muslimiin ah, annagoo u qunuudsanna na istaajiyay, keligiisa mooyee qof kale uma rukuuceyno umana sujuudayno, wuxuu ku mahadsan yahay inuu noo doortay Nabi Muxamed -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- isagoo imaam u ah anbiyada oona khatimaya rususha, Alle raalli haka noqdo asxaabtiisa iyo ehelkiisa, kuwaas oo rumeeyay oona xoojiyay una gargaaray, oo raacay nuurka lagu soo dejiyay ilaa ay dhabta uga timaado, intaa ka dib,, waxaa hortaada yaalla kitaab muhim ah oo goobta caqiidada dhex wareegaya, wuxuu kulmiyay cibrada ilinta nafta iyo soojeedka caqliga marka naska la taxqiijinayo, liibaan aduun iyo aakhiro mala heli karo towxiidka marka la sugo mooyee, kalimadda towxiidka (Ilaah kale ma jiro ilaah mooye Muxamedna waa rasuulka Alle) waa kalimadda shahaadada iyo furaha daarta liibaanka.

 

Akhrisadaha qaaliga ahow… walaalkan qaaliga ah Dr. Maxamed Ashraf Xijaazi , himadiisa ayaa toostay, go'aankiisana waa hagaagay, wuxuu u qumay isagoo towfiiqda Alle ay la sacoto inuu qoro baxsigan oo qiimaha badan, kaas oo ka hadlaya tiirarka iimaanka, wuxuu bixiyay dadaal waanaag ku jiro, wuxuu qabtay camal loogu mahdiyo, wuxuu laasimay mad'habka dadka sunnada iyo jamaacada raacay, tanna waa waddo  hanuun leh, iyo manhaj toosan, Ilaahay haka aqbalo dadaalkiisa, camalkiisana abaal Ilaahay haka siiyo, baxsigiisana Ilaahay haku anfaco qofka akhriya sidii uu ugu anfacay qofka qoray.

 

Alle ayaan weyddiisanaynaa inuu ku anfaco qofka qoray iyo kan akhriyay iyo kan ku camalfalay, iyo kan qof kale u hadiyeeyay oo ugu yeeray inuu rumeeyo kuna camalfalo, Alle waa gargaaraha ugu fiican iyo hiiliyaha ugu wanaagsan.

 

Saciid Caamir

 

Xoghayaha gudiga fatwada

 

ee Al-azhar Al-shariif

 

***

 

 

 

 

 

Gogolxaarka Sheekh Maxamed Axmed Ismaaciil Al-muqadim

 

Mahad Alle ayaa iska leh wuuna kaafiyay, nabadgelyo addoomahiisa uu doortay korkooda ha ahaato, siiba addoonkiisa la doortay.

 

Intaa ka dib,

 

Risaaladan oo yar waxaa ku sugan iskudayid laysku dayayo soo ururinta qadiyadaha iimaanka iyo caqiidada muhimka ah oo kala yaacsan, meel buu mariyay walaalkayga khayrka badan Dr. Maxamed Ashraf Xijaazi.

 

Alle ayaan weyddiinayaa inuu kaga abaalmariyo waxa uu jecel yahay, iyo inuu cimrigiisa dheereeyo isagoo caafimaad qaba, iyo inuu toosiyo ciribtiisa iyo meesha uu ku dambaynayo

 

Mahadna Alle ayaa iska caalamiinta rabbigooda ah

 

Waxaa qoray

 

Maxamed Axmed Ismaaciil Al-muqadim

 

 

 

***

 

Gogolxaarka Sheekh Dr. Saciid Cabdilcathiim

 

Magaca Alle ayaan ku bilaabayaa mahadna waxaa iska leh Alle naxariis iyo nabadgelyo rasuulkii Alle korkiisa ha ahaato iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo dadkii isaga raacay.

 

Intaa ka dib,

 

Risaalada "Aniga muslin baan ahay" waxay isugu keentay masaa'il badan oo qiime leh si duudduub ah iyo qaab sahlan oo la fududeeyay, daabacaadyo badan ayaa la daabacay, Alle si fiican ayuu dadka ugu anfacay, iyadoo waafaqsan kitaabka iyo sunnada waxay dadka xusuusinaysaa salafkii hore waxa ay ku sugnaayeen, kuwaas oo u hadlay cisada islaamka iyo badbaadada nafta iyo ridaha raxmaanka daraaddood, hadalkooda waa la barakeeyay, ereyadoodana way yaraayeen laakin macnahooda waa weynaa, jidka ugu dhow ayuu hadalkooda nafta ku soo gaaraa, Ilaahay ha waafajiyo kan qoray iyo kan akhriyay iyo ka faafiyay, abaalka iyo ajarkana Alle ha u badiyo.

 

Baryadeena waxaa ugu dambeeya in mahadda ay u sugan tahay Allaha caalamiinta rabbigooda ah.

 

Waxaa qoray

 

Saciid Cabdilcathiim

 

 

 

***

 



*  wuxuu ka wadaa isha biyaha ka soo burqadaan

Read 467 times
More in this category: Rumaynta Eebbe »