أسر ، إسار 

1- qafaalid 2- xirid

أسر

Abuuris

أسر

Kaadiqabad, kaadikudheg

إسراء بـ

La dheelmasho, habeen kaxayn

إسراج

1- feynuus shidid 2- koorayn, koore dusha ka saarid

إسرار

Qarin

إسراع

Degdegid, dhaqsasho

إسراف

Xadgudbid, xadgudub samayn

أسرة ج أسر

Qoys, usro

إسطبل ج إسطبلات

Moorada fardaha

أسطوانة

1- tiir 2- siidii

أسطورة ج أساطير

Khuraafaad

إسعاد

Sacaado gelin

إسعار

Hurin 

الإسعاف

Iscaaf, ururka u quma dadka arrin degdeg ku dhacdo daaweyntooda

إسعاف

1- qof wax ku dheceen degdeg u daaweyn  2- kaalmayn, taakulayn 3- danta u gudid

آسف ج آسفون

1-walbahaarsan 2- ka xun

أسف

Walbahaarid

إسفار

Caddaansho, muuqasho

أسفع م سفعاء ج سفع

Madooban

أسفل ج أسافل

Hoose

أسفل م سفلى

Wax hooseeya

إسفنج

Isbuunyo

إسقاء

Waraabin

إسقاط

Ridid

إسقام

Jirro u keenid

أسقفّ ج أساقفة

Wadaad kirishtaan

إسكات

Aammusin

إسكار

Sakhraamin, sakhraan ka dhigid

إسكاف ج أساكفة

Kaboole

إسكان

1-meel dejin 2-xasilin, qaboojin

أسكفّة ج أسكفّات

Darsaan, xakabadda albaabka

إسلاف

Amaahin, amaah siin

إسلام

1-hoggaansamid 2-islaamid 3- u dhiibid

الإسلام

Diinta islaamka

أسلوب ج أساليب

1-waddo 2- qaab, usluub, hab

اسم ج أسماء

Magac

إسماء

Magac u bixin, magac u samayn

إسماع

Maqashiin

أسمر م سمراء ج سمر

Maarriin ah

أسمنت

Shamiinto

أسن

biyo iwm. isbaddalid 

إسناد

Tiirin

إسنان

Da' weyn gaarid

إسهاب

1-  ku xeeldheeraansho 2- hadal iwm. dheerayn, badin

إسهار

Dhafrin, dhafar ku ridid

إسهال

Shuban, caloolbax

إسهام  فى

Wax ku darsasho

إسهام بين

U qori-tuurid

إسهام لـ

Qayb ka siin

أسوأ م سوأى

Kan ugu xun

أسوة

Ku dayasho

أسود م سوداء ج سود، وسودان

Madooban

اسوداد

Madoobaad, midab madow yeelasho

أسى

Walbahaarid

آسيا

Qaaradda Aasiya

آسية ج أواس

1- tiir 2- dhisme adag

أسير ج أسراء، وأسارى

Asiir kan la qafaashay

أسيف

Qof qalbi jilicsan

إشابة

Cirro u keenid

إشادة بـ

arrin kor u qaadid, qiime u yeelid

إشارة إلى

Tilmaamid

إشارة ج إشارات

Tilmaan, ishaaro

إشارة على

U tilmaamid

إشاعة ج إشاعات

Kutiri-kuteen

إشاعة

Faafin

أشأم ج أشائم

Baasloow, qof baas qaba

إشباع

Dhergin, wax laga dhergo siin

اشتباك

1-isdhexgelid 2- isku dhicid, diririd

اشتباه 

Isku dhexdarsamid, qasmid

اشتباه فى

Ka shakiyid

اشتجار

1-isdhexgelid 2-iskhilaafid

اشتداد

Darnaansho 

اشتراء

Iibsasho, gadasho

اشتراط

Shardi dhigid

اشتراك

Wadaagid

اشتعال

dab hurid, ololid

اشتغال

Shaqayn 

اشتفاء بـ

Ku bogsasho, ku caafimaadid

اشتفاء من

Ka bogsasho, ka caafimaadid

اشتفاف

Dhaaryid, dhammayn

اشتقاق

Ka dhanbalasho,  ka soo baxsasho

اشتكاء إلى

U cabasho, u eed sheegasho

اشتكاء

1-cabasho 2-xanuunsasho

اشتمال بـ

Isku duuduubid, isku daboolid

اشتمال على

Shamilid, soo hoos gelid

اشتمام

Ursasho

اشتهاء

Rabid, ishtihayn

اشتهار

Caan noqosho, shuhroobid

اشتواء

Dubasho

اشتياق إلى

U hiloobid

أشجّ م شجّاء ج شجّ

Qof daqar ka muuqda

أشدّ

Xoog, tabar

أشدق

1- daamaweyne 2- codkar, aftahan

أشر

Kibrid

أشر

Qof kibir badan

إشراب

Cabsiin, wax la cabbo siin

إشراف على

1- kormeerid, kor ka fiirin 2- maamulid 3-  u dhowaansho

إشراق

1-ifid, nuurid 2-saxad ku ridid

إشراك بـ

La wadaajin, shirki samayn

إشراك

Wadaajin, ka dhexaysiin

اشرئباب

Luqunta taagid

إشعار

Dareensiin 

إشعاع

1-shucaacid, shucaac soo saarid 2- faafin, kala yaacin

إشعال

dab hurin, ololin

أشعث م شعثاء ج شعث

Qof timaha boor iyo dhusuq ka leh

إشفاء على

U dhowaansho

إشفاق على

U turid, u naxariisasho

إشفاق من

Ka cabsasho

إشقاء

Dhurdarsi ku ridid

أشقر م شقراء ج شقر

Qof  timo huruud-caddaan leh

إشكال

1-isku dhex darsamid 2-erey shaqal saarid

إشكال

Bushi, arrin shaki keenta

أشلّ ج شلاّء

Wax shalal ku dhacay

إشلاء

ey dirid, boorrin

إشلال

Shalal ku ridid, xubnaha nuuxsashadooda ka joojin

إشمات

cadow dhibkiisa kaga farxin 

إشماس

1- qorrax soo bixid 2- qorrax soo darsasho

إشمال

Waqooyi ka imaansho