الثلاثاء, 10 أيار 2016 06:40 Written by

تقديم الأستاذ الدكتور محمد نوفل للكتاب

Rate this item
(0 votes)

تقديم

Gogolxaarka Pro Maxamed Nofal

 

   الحمد لله والصلاة والسلام على سيدنا محمد  وعلى آله وصحبه وسلّم تسليما كثيرا وبعد،   فلا شك أن اللغة أداة التواصل بين الشعوب المختلفة، وطريق أساسي في التفاهم بين الأمم المتباينة، ومن هذا المنطلق نضع بين يدي القارئ العزيز كتاب -تعلّم معي الصومالية- الذي يمكّن القارئ من الإلمام بمبادئ اللغة الصومالية بطريقة سهلة، ويأتي هذا العمل ضمن المساعي الهادفة إلى تعليم اللغة الصومالية التي تعدّ من أهم اللغات في القرن الأفريقي، حيث تنتشر هذه اللغة في جميع أرجاء الصومال وجيبوتي وفي بعض المناطق من إثيوبيا وكينيا ، كما أنها من جملة اللغات التي تدرّس في قسم اللغات الأفريقية بمعهد البحوث والدرسات الأفريقية –جامعة القاهرة.

     ولعل هذا العمل يساعد الدارسين والباحثين المهتمين بتعلم اللغة الصومالية، ويمكّنهم من الإلمام بمبادئ هذه اللغة، وأتمنى أن يشكّل اللبنة الأولى تتبعها خطوات -إن شاء الله تعالى-في شكل سلسلة تعليمية شاملة تغطّي اللغة الصومالية من جميع جوانبها بهدف مساعدة الدارسين على التعرف عليها وفهمها مما يساهم في عملية التواصل بينهم وبين أهل هذه اللغة.

                                  والله ولي التوفيق.

 

أ.د. محمد علي نوفل

 

14 ربيع الثاني 1437 ه.  24 / 1 / 2016

القاهرة

 

GOGOLXAAR

   Waxaa mahad iska leh Alle, naxariis iyo nabadgelyo sayidkeena korkiisa ha ahaato nabi Muxammad iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa, in badanna ha nabadgeliyo, intaa kaddib waxaan shaki ku jirin inay tahay luqadda midda isku xirta dadka kala duwan oo ayna tahay waddo muhim ah oo ay isku fahmaan ummadaha kala fog, annagoo arrintan ka shidaal qaadanayno akhristaha sharafta badan waxaannu hor dhigaynaa buugga –ILA BARO SOOMAALIGA- kaasoo u suurtagalinaya akhristaha inuu si sahlan wax uga ogaado asaaska af Soomaaliga, waxqabadkan wuxuu yimid isagoo ay la socdaan dadaallo ku wajahan baridda af Soomaaliga kaasoo lagu tiriyo afafka ugu muhimsan geeska Afrika, iyadoo luqaddan ay ku faafsan tahay dhammaan dacalada Soomaali iyo Jabuuti sidoo kale meelaha qaarkood oo ka mid ah Itoobiya iyo Kenya.

   Sidoo kale waxay ka mid tahay luqadaha lagu dhigo qaybta afafka Afrika ee Machadka cilmibaarista iyo daraasaadka Afrika ee jaamacadda Qaahira.

     Waxaa laga yaabaa waxqabadkan inuu u kaalmeeyo dadka wax baranaya iyo kuwa cilmi-baarista ku jira oo ku dadaalaya barashada afka Soomaaliga, wuxuuna u suurtagalinayaa inay wax ka ogaadaan asaaska luqaddan, waxaan rajaynayaa inuu noqdo dhistii ugu horraysay oo ay raaci doonaan talaabooyin -haddii Alle yiraahdo- iyagoo ku salaysan qaab duruus taxane ah oo dhammaystiran oo gaaraya dhinac walba afka Soomaaliga ka mid ah, si loogu kaalmeeyo dadka waxbaranaya inay bartaan afka Soomaaliga oo ay fahmaan, taas oo ka mid ah waxyaalaha  xoojinaya  xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dadka luqadda u dhashay.

Alle baa towfiiqda iska leh

 

 

Pro. Maxamed Cali Nowfal

 

14/4/1437 H. 24 / 1 / 2016 M.

Qaahira

 

 

 

 

Read 137 times Last modified on الثلاثاء, 10 أيار 2016 07:00