|
40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
|
|
41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada).
|
|
42. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
|
|
43. Cidlo ciirsi m leh.
|
|
44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
|
|
45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna.
|
|
46. Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
|
|
47. Ciyaar baa dhab u gadoonta.
|
|
48. Ciyi waa ka beryey.
|
|
49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita.
|
|
50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay.
|
|
51. Col hortii baa hub la samaystaa.
|
|
52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
|
|
53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa.
|
|
54. Col ku galay cabsi kugu reeb.
|
|
55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo.
|
|
56. Colka wadhaf ma lagu dayey.
|
|
57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
|
|
58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
|
|
59. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki.
|
|
60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan
|
|
|
|
1. Daacadi ma hungowdo
|
|
2. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel
|
|
3. Daawo tiro wax kuma tarto
|
|
4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid.
|
|
5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo
|
|
6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan.
|
|
7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba.
|
|
8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo.
|