The causes of baldness.jpg

Bidaarta waa wax caadi ah oo qofka ku dhacaysa inta badan waxay ka mid tahay waxyaalaha layska dhaxlo, inta badan aabaha ama awoowaha iyo abtiyaasha ayaa laga dhaxlaa, inta badan waxay qofka ku soo bilaabataa marka uu 25 gaaro bidaarta aad bay u kala duwan tahay mid waxaa jirta xiiro lagu magacaabo laba gees ayay soo gashaa laakin foodda timo ayay iska lahaanaysaa, midna waa garoon oo kale mdaxa ayay ku fiddaa, bidaarta ragga qaarkooda waxay u keentaa murugo daran mar kasta waxay ka walwalaan bidaarta sida loo daaweeyo ama timaha loo soo saaro, waxaa kaloo lays waydiiyaa bidaarta ma ragganimo miyay calaamad u tahay, ragga bidaarta leh dareenkooda jinsiga miyuu xoog badan yahay, taas waa la sheegaa laakin ilaa iyo hadda darasooyin rasmi ah kama soo bixin laakin dad badan ayaa arintaas ka hadlay, bidaarta iyo cirada waxay ka mid yihiin waxyaalaha ragga ay neceb yihiin, laakin shaqo kuma laha quruxda ninka immisa rag oo bidaar leh ka qurxoon rag aan bidaar lahayn.
sababo hadda rasmi ah malaha waxaa kaloo la dhahaa dalalka qaarkooda jawigooda wuxuu soo dedejinayaa bidaarta.